Somali News
    Hees  

Maxaabiis fara badan oo ku jirtay Xabsiga dhexe ee Muqdisho oo Cafis maanta ka heshay Madaxweyne Sheekh Shariif

Mogadishu Axad 19 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maxaabiis fara badan oo ku jirtay Xabsiga dhexe ee Muqdisho oo Cafis maanta ka heshay Madaxweyne Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maxaabiis gaaraysa ilaa 220-ruux oo ku jirtay Xabsiga dhexe ee Muqdisho Gaalshire u fidiyay cafis Munaasabadda Ciidul Fitriga aawgeed.

Maxaabiista maanta cafiska loo fidiyay ayaa isugu jirta Rag iyo dumar, iyadoo maxaabiistaan ku xukunaa xukunno kala duwan ayaa hadana lagu cafiyay amarka Madaxweynaha, sidaasna uga baxeen Gaalshirihii ay ku jireen.

Axmed Xasan Gaboobe oo ah Wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa wabaahinta u sheegay in maxaabiistan ay ku jireen sideed dumar ah iyo toddoba ruux oo ajnabi ah, dhamaantoodna uu cafis u fidiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in maxaabiistaas laga soo qabqabtay intooda badan magaalada Muqdisho, wuxuuna wasiirku cadeeyay inay ku xukunaayeen dambiyo fudud.

Madaxweyne Shariif ayaa marka la gaaro ciidaha cafisu fidiya qaar ka mid ah maxaabiista ku jira xabsiga dhexe, waxayna maxaabiista qaarkood u sheegeen saxaafadda inay ku faraxsan yiiin cafiska uu Madaxweynaha u fidiyay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)