|
Magaalada Hargeisa oo si weyn looga ciiday iyo Madaxweyne Siilaanyo oo dadka kula tukaday Masjid Jaamacad Weyn ee magaalada Hargeysa
Hargeysa Axad 19 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Magaalada Hargeisa oo si weyn looga ciiday iyo Madaxweyne Siilaanyo oo dadka kula tukaday Masjid Jaamacad Weyn ee magaalada Hargeysa.. Daawo Sawirada
kumanaan dad ah oo ku dhaaqan magaalada hargeisa ayaa saaka isugu soo baxay tukashada salaada ciidal Fitriga oo si weyn looga tukaday magaalada Hargeisa, waxana saaka lagu tukaday masaajidada iyo garoomada waaweyn ee ku yaala hargeisa
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xubno ka tirsan dawladiisa ayaa dadka kula tukaday masjid jaamaca weyn ee Hargeisa, markii salaada laga baxay ayaa madaxweyne siilaanyo hadal kooban oo uujeediyay waxa uu ku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay munaasibadan waxana uu salaan u diray dhamaan shucuubta islaamka meelkasta oo ay joogaan, iyo shacabka somaliland oo uu sanadkan sanadkiisa Ilaahay uga baryay in uu bash bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo.
waxa suuqyada magaalada hargeisa lagu arkayaa raxan raxan caruur ah oo xidhan dhar bilicsan oo sita qalabka lagu ciyaaro maalinta ciida.
dhamaan gobolada somaliland oo dhan ayaa iyana si weyn looga ciiday.

















Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|