|
War Deg Deg ah: Laba Nin oo isa soo miidaamisay oo isku qarxisay goordhow Afaafka hore ee agagaarka xarunta Iskuul Buluusiyo
Mogadishu Arbaco 1 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

War Deg Deg ah: Laba Nin oo isa soo miidaamisay oo isku qarxisay goordhow Afaafka hore ee agagaarka xarunta Iskuul Buluusiyo
Laba qarax oo loo maleynayo inay Ismiidaaminyihiin ayaa waxa goordhow ay ka dhaceen agagaaraha xarunta uu shirweynaha lagu ansainayo dastuurka cusub ee qabya qoraalka ah.
Wararka ayaa sheegaya in labada qarax ay ka dhaceen meel aan sidaa uga fogeyn afaafka hore ee laga galo xarunta Iskool Bulusiyo ee magaalada Muqdisho halakaasoo ay ku shirsanyihiin Ergada ansaxineysa dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Lama oga inta uu la egyahay qasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi hase yeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya inay jiraan qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada gaarka ka haaya xarunta uu shirka ka socdo.
Warar iskhilaafsan oo soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa midka koowaad uu dhacay markii ergada ay galayeen xarunta halka midka kale la sheegayo inay qarxiyeen ciidamada AMISOM.
Lama sheegin ilaa iyo hada wax qasaare ah oo soo gaaray ergada ansaxineysa Dastuurka.
Wixii soo kordha waxaad kala socondoontaa "Hadii uu Alle Idmo"
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|