Somali News
    Hees  

Labo Wiil Somali oo mataano ah oo qirtay in Al shabab ay ka tirsan yihiin

Mogadishu Arbaco 1 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Labo Wiil Somali oo mataano ah oo qirtay in Al shabab ay ka tirsan yihiin.

Labo wiil oo Somalia ah oo isla dhalatay oo waaxada sirdoonka dalka ingiriiska ay ku xireen magaalada London bishii April ee sanadkan ayaa waxa ay qirteen inay ka tirsan yihiin xarakada Al shabab islamarkaana ay lacago badan u soo direen dagaalyahaniinta ka tirsan Al shabab ee Soomaaliya.

Shabir Mohammed Ali iyo Shafiq Mohammed Ali oo 25 sano jir ah ayaa sidoo kale waxa qirteen in xiriiro ay la sameeyeen Anwar cowlaqi oo ahaa sarkaal sare kana tirsanaa Al qaacidda oo Mareykanka sanadkii la soo dhaafay uu ku dilay dalka Yemen.

Wargeyska the guardian ee ka soo baxa dalka ingiriiska oo soo xiganaya xubno ka tirsan sirdoonka dalkaasi ayaa ku waramaya in Shabir Mohammed Ali iyo Shafiq Mohammed Ali ka hor inta aan la qabanin ay abaabulayeen weeraro argigixisinimo ah oo laga fuliyo dalka ingiriiska sida uu leeyahay wargeyska .

Maalinnimada berrito ah ayaa lagu wadaa in la soo hor istaajiyo maxkamad ku taala magaalada London, waxana ay wajihi doonaan xukun gaaraya 14 sano oo xariga ah.

Dowladda ingiriiska ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waday howlgallo ay ku soo qabqabatay dad ay ku jiraan soomaali kuwaas oo lala xiriirinayo inay xiriir la leeyihiin waxa dowladaha reer galbeedku ay ugu yeeraan argigixisada.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)