|
Shiinaha oo ka warbixisay howlgalkeeda ka dhan ah burcad badeedda
Mogadishu Arbaco 1 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Shiinaha oo ka warbixisay howlgalkeeda ka dhan ah burcad badeedda.
Afayeenka wasaaradda difaaca dalka shiinaha Geng Yansheng oo shir
jaraa’id warbaahinta ugu qabtay magaalada Beijing ee caasimadda dalka
shiinaha ayaa waxa uu shaaca ka qaaday waxqabadka dowladda shiinaha ee
wajahan howlgalka la dagaalanka kooxaha burcad badeedda soomaalida .
Afayeenka ayaa sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 2008da oo aheyd
xilligii howlgalka Atlanta laga bilaabay xeebaha Somalia maraakiibta
dagaalka ee dowladda shiinaha ay kooxaha burcad badeedda soomaalida ay
ka badbaadiyeen maraakiib ganacsi oo tiradooda ay gaarayso 4,734 oo
markab kuwaas oo marayay gacanka cadan iyo marinno kale oo ka baxsan
biyaha somalia
Waxa uu yiri Geng Yansheng oo ah afayeenka wasaaradda difaaca dalka
shiinaha "2008dii ilaa iyo sanadkan 2012ka waxaan xeebaha soamalia
aan u soo dirnay 12 koox oo ciidan ah iyo 31 maraakiibta dagaalka ah, waxana ay muujiyeen nafhurnimo , iyagoo ka guul gaaray la
dagaalanka burcad badeedda".
Afayeenku waxa uu hadalkiisa intaa ku daray in askar gaaraysa 20,000
oo askari oo shiinees ah ay ka qeyb qaadanayaan howlgallada QM iyo
midowga Africa ee lagu doonayo in nabad looga dhaliyo dalka Somalia .
Dowladda shiinaha waxa ay hishiis ka dhan ah burcad badeedda ay la
gaartay in ka badan 150 dowladood ee ku yaala 7 qaarad ee
adduunka.sida uu yiri afayeenka wassaaradda difaaca dalka shiinaha.
Dowladda shiinaha ayaa noqoneysa dowladdii ugu horeysay oo ka
warbixisa howlgalkeeda ka dhanka ah burcad badeedda tan iyo markii
xeebaha Somalia laga bilaabay howlgalka Atlanta sanaddii 2008da.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|