Somali News
    Hees  

Aamine Muuse Weheliye: ''Waxaan dhowaan Muqdisho ka fureynaa iskuullo lagu barto wadaniyadda iyo dhaqanka Soomaaliyeed''

London Arbaco 1 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Aamine Muuse Weheliye: ''Waxaan dhowaan Muqdisho ka fureynaa iskuullo lagu barto wadaniyadda iyo dhaqanka Soomaaliyeed''

Aamina Muuse Weheliye oo ah saxafiyad, halabuur iyo geeyfane u taagan sidii dalka Soomaaliya uu dhibka iyo dhiiga uga bixi lahaa ayaa waxay soo gudbinaysaa qodobo wax ku ool ah oo ku wajahan OLOLEHEEDA HANGASHA oo manta 2 sano jirsaday iyo waxa uga qabsoomay, waxa ay qaban doonto iyo guud ahaan qorsheheeda.

1.    waxaa aan asaayda sartay kuna dhawaaqay ololaha hangasha 1-dii Agoosto 2010-ka.

2.     Wax badan ayaa qabsoomay, gudaha iyo dibadaba, ololaha oo ah sidiisaba olole nabadeed oo dadka nabada iyo wadaniyadda lagu baraarujinayo iyadoo loo maraayo warbaahinta tan iyo maalintaas waxaan wax kasta oon sameynayo xitaa shaqadeyda caadiga ah aan ku saleeyey hadafka iyo ujeedooyinka ololaha, waxaan aasaasay barnaamij ololaha hoos yimaada oo la yiraado bandhigga Amina iyo Nala Fiidso labadaba.

3.    Haween badan oo badankood u nool Muqdisho ayaa ila saartay asaayda welina ila wada taasoo muujinaysa inuu barnaamijku taaba galay.

4.    Xafalado uma sameeyo ololaha iyo sanadguurooyinkiisa waxaana u arkaa in aaney habooneyn in qarash lagu bixiyo xus uun lakiin waxaan ku xusnaa warbaahinta dhexdeeda.

5.    Waxan soo wadaa furista iskuulo lagu barto wadaniyadda iyo dhaqanka Soomaaliga iyo luuqadda oon ku caawinayo dhalinyarada, iskuulka ugu horeeya waxaa dhowaan laga furayaa Muqdisho.

6.    Qurbaha wax weyn ayaa laga qabtay wadamo koobana waxaan ku leenahay wakiilo, ma ahan olole joogsanaayo goor dhow dadku waxey ku daaleen in ay i weydiiyaan goormee asaayda dhigeysaa, xitaa waxaa i weydiiyay siyaasiyiin waaweyn oo dalka maamul iyo xilal sare ka haya, waxaase ii muuqata in aan weli la gaarin hadafkii aan markii hore u qaaday oo ah in dadkeygu ay nabad helaan kuna barbaarujiyo in nabad la helo la'aanteed aanay nolol jiraynin, ololaha hangasha waa soconayaa mana istaagayo ilaa tuulada ugu dambeysa ee Soomaaliya ay nabad hesho dadkeyguna isku duubni iyo midnimo helaan.

7.    Waxaan asaayda saartay 10 sano markii aan qurbaha ku noolaa oon ka shaqeynaayey warbaahinta ha maalin kastana aan ku soo toosaayey dhimashada dadkeyga, iyo baab'ooda, waxeeyna ila noqotay in aanan ka sii aamusi Karin dhibta wadankeyga oo magaceyga iyo xirfadeyda u adeegsado sidaan uga shaqeyn lahaa inay dadkeygu helaan nabad waarta iyo dowladnimo.

Waxaa ololaha la socda waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin hal abuurka maanso ee kala duwan iyo qoraaladda kala duwan ee bulshada lagu toosinayo.

Amina Muse Wehliye

Aminawehelie@yahoo.co.uk

Maxamed Xaaji Boore
 maxaaji@hotmail.com

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)