|
Ergada Haweynka Shirka Ansixinta Dastuurka oo isaga baxay Madasha Shirka
Mogadishu Arbaco 1 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Ergada Haweynka Shirka Ansixinta Dastuurka oo isaga baxay Madasha Shirka
Shirka Ergada ansixinta dastuurka Cusub ee Soomaaliya oo xiligan ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in Xubnaha Haweynka ee qeybta ka ah Shirkaas ayaa waxaa kulanka isaga baxay haweyne iyadoo sababta ka bixitaanka Shirkooda ku sheegay in ay tahay in aysan muuqaa kaalinta iyo qeybti loo qoondeeyay in ay ka helayaan Shirka taas oo keentay in ay ka biyo diidaan wax ka yar intii qorshu aheed oo ah 30% waxaana ay ku nuuxnuuxsadeen in marna aysan mar dib u soo fadhiisan doonin Shirka Ergada ansixinta dastuurka inta ay ka helayaana tiradaasina aysan fariisan doonin Shirka.
Ergada ansixinta dastuurka iyo sidoo kale qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta dowladda oo ay ka mid tahay Wasiiradda haweenka ayaa soo dhexgalay arrinta kuwaasi oo wada wadahadalo lagu xalinayo cabashada haweenka.
Haweynka Soomaaliyeed ayaa haysta balanqaad ay ka heleen Madaxweynaha Dowlada KMG oo ah in hadii uu mar kale dib ugu soo laabto talada dalka in ay heli doonaan tirada xubnaha ka qeybgalka Baarlamanka oo ah 30% iyo sidoo kale in ay kaalintooda ka qaadan doonaan Wasiirada ay yeelan doonto dowlada cusub ee la dhisayo marka la gaaro 20 Bisha Aug.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|