Somali News
    Hees  

Madaxweyne Shariif oo booqasho aan hore loo sii shaacin ku tagay Dagmada Balcad Waxgaradka Dagmadaasi kulan la leh

Mogadishu Arbaco 1 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Madaxweyne Shariif oo booqasho aan hore loo sii shaacin ku tagay Dagmada Balcad Waxgaradka Dagmadaasi kulan la leh

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaan maanta booqday dagmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe halkaas oo uu kulan kula qaatay Odayaasha dhaqanka iyo waxgarada ku sugan dagmadaasi.
Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliya Wasiiro ka tirsan xukuumadda saraakiil ciidan, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin kale.

Kulanka uu maanta la qaatay Madaxweynaha ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah waxgaradkii ka qeyb galay kulan iyagoo uga mahadceliyay Booqashada uu maanta ku tagay Dagmada Balcad madaxweyne Shariif iyagoona u balan qaaday in ay dowladda la shaqeynayaan.

Waxgarada ayaa sheegay in amaanka dagmada uu yahay mid wanaagsan uuna xiriir fiican kala dhaxeeyo ciidanka dowaldda waxa ayna sheegeen in ay dhalinyaro badan oo ka tirsanaa Malayshaadka shabaab ay ku biiriyeen ciidanka dowladda.

Madaxweyne Shariif oo hadal ka jeediyay kulan uu la qaatay Waxgarada ku dhaqanka dagmada Balcad ayaa waxa uu sheegay in wax lagu farxo ay tahay in cadowgii laga xoreeyay Balcad ay shacabka hal meel uga soo wada jeesteen isagoona Madaxweynaha intaa ku daray in uu aad uga faraxsanyahay amaanka ka jira wadada isku xirta Balcad iyo Muqdisho.

Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga baaqay dadka ku nool dagmada Balcad in ay ka shaqeeyaan amaanka si loo hormariyo adeegyadda Bulshada ay u baahanyihiin.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa carabaabay in dhowaan la howlgalin doono warshada Dharka ee dagmada Balcad isagoona uga mahadceliyay muwaadiniintii isku howshay in ay ilaaliyaan hantida Qaranka.

Mar uu ka hadlayay Madaxweynaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM dadaalka ay u galeen soo celinta nabadda iyo kala dambeynta in la abaal marin doono dadaalka ay u galeen nabad ku soo dabaalida dalka ay colaada ka jirtay mudada ka badan 20ka sano.

Ugu dambeyn Madaxweyne Shariif ayaa ka tacsiyeeyay dilkii xalay fiidkii Kooxo Manaxayaal ah ay u geystay Majaajiliistihii caanka ahaa ee Cabdi Jaylaani Malaaq “Marshaale” isagoona uga tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed iyo eheladiisa waxa uuna ALLE uga baryay in uu Janadii Fardowsa ka waraabiyo.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)