|
Beesha Baajuun oo ka soo horjeesatay xildhibaanka cusub ee lagu daray baarlamaan
Mogadishu Isniin 20 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 20/8/2012 shir deg deg ah isugu yimid odoyaasha nabadoonad culumaudiinkooda, aqoonyahanadooda, dhlinyaradooda, haweenkooda waxgaradkooda beesha Baajuun iyagoo ka wada hadlay jawiga iyo wadciga maanta dalka maraayo iyo sida xun oo xaqooda loo duudsiyey guntii iyo gaba gabadii waxay soo saareen bayaankaan hoosku qoran waana sidatan.
Beesha Baajuun oo si cad ah uga soo horjeesatay liiska xildhibaanada cusub waxaa nasiib darro ah in beel dhan oo jirta oo la xaqiray iyo suldaankooda oo aan la aqoonsaneyn oo dibadjoog ka noqday soo xulista ergooyinka iyo xildhibaanada iwm.
Suldaanka beesha baajuun iyo nabadoonadooda wakiilada qurbajoogta ah culumaudiinkooda aqoonyahanadooda ururada dhalinyarada kan haweenka meel kasta ay joogaan kuli waxaan u sheegayaan ciddii ay quseyso sida igad au unpos jaamacada carab ururda islaamka iwm.
In ay ka soo horjeestaan sida ay beesha u qaadactay xildhibaanka la sooo xulay kaas oo uu keenay aabihiisa oo uu sheegtay in uu yahay suldaanka beesha meesha odayaasha uu geystay wiil uu abti u yahay markii uu arkay in uu meeshaas uusan gali karin ayuu hadana wiilkiisa ku qoray waa yaab qofkaas cid uula tashtay ama la ogeysiiyey ma jiraan suldaankabeesha baajuun oo muqdisho ku sugan iyo nabadoonadooda ayuu kaligiis wax farsameystay waa diktatoor beesha aqoonsaneyn arimahaasna ku caan baxay hadaba beesha oo ka kooban 18beel oo ku xaqiranwax wada qaybsiga ayuu hadan xildhibaan maxamed ismaaciil barakaale uu si xaqdarro ku sameystay isagoo qaati bilaah laga joogay oo aan xeriir joogta la laheyn beeshiisa iyo dadkiisa waa dhibaato ku habsatay beesha baajuun ugu dambayn beesha baajuun axay cadeyneysaa in liiskaas aysan waxba ka ogeen lagana been abuurtay aysan ogolaan doonin sidaa darteed meelkasta ay joogaan waa in ay arrintaan ka hadlaan cambaareeyaan kana dibad baxaan iyadoo awelba dulmi iyo xaqiraad ku jirtay ayaa haddana muhiimka u aheed lagala wareegay waa yaab ilaa iyo goormee ayey soconeysaa xaqiraada ma dhaxaltooyaba?

Wabilaahi Towfiiq
waxaa ku saxiixnaa suldaanka beesha baajuun
sulaan dili mahdi dili
w.d dr.ali omar abati binfaghi
email dr.abatialfaghi@yahoo.co.uk
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|