Somali News
    Hees  

Maxay kaga wada hadleen Kulankii maanta ku dhexmaray Madaxweyne Shariif iyo Mahiga magaalada Muqdisho?

Mogadishu Isniin 20 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maxay kaga wada hadleen Kulankii maanta ku dhexmaray Madaxweyne Shariif iyo Mahiga magaalada Muqdisho?.

Kulan qaas ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ergeyga gaarka ah ee Q. Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augostine Mahiga ayaa ayaa ka dhacay garoonka Aadan Cade international Airport.

Wararka ku dhowdhow kulanka ayaa sheegaya in labada masuul ay ka wadahadlayaan kulanka maanta ay yeelanayaan xildhibaanada cusub ee dhawaan la soo xulay.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif uusan ku qanacsaneyn xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka, waxaana la tilmaamayaan in madaxweynaha aanu taageerayaal sidaa u buuran ku laheyn 225- iminka la haayo.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa diidan inay kulman mudanayaasha cusub ee Baarlamaanka, iyadoo aan la soo dhameystirin tiradooda.

Kulanka dhaxmaraya labada Masuul ayaa wararku tilmaamayaan in loo diiday inay ka qeyb galaan qaar ka mid ah golaha wasiirada oo la socday madaxweynaha.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)