|
Xildhibaanada Baarlamaanka cusub oo la dhaariyay iyo ninka ugu da' weyn oo loo doortay Guddoon
Mogadishu Isniin 20 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Xildhibaanada Baarlamaanka cusub oo la dhaariyay iyo ninka ugu da' weyn oo loo doortay Guddoon
Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International AirPort waxaa maanta ka dhacay dhaarinta xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya uu yeelanayo shanta sano ee soo socota.
Mudanayaasha Baarlamaanka cusub ee iminka la dhaariyay ayaa tiradoodu gaareyso 210-Mudane waxay halkaasi ku doorteen ninka ugu da'da weyn oo lagu magacaabo Jan. Muuse Xasan.
Dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka soo qeyb galay oo goob joog ka ahaa Madaxda sare ee Dowladda KMG ah, ergooyin ka socda beesha caalamka sida Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo dalalka Carabta.
Dhinaca kale waa markii ugu horeysay oo dalka gudihiisa ay ka dhacdo doorashada Xukuumad dalka maamuleysa muddo shan sano ah, hasee yeeshee mudada ay xukuumadani jireyso ayay sheegayaan aqoonyahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed inaysan ka maarmi karin taageerada beesha caalamka.








Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|