|
Xisbiga DADKA oo Muqdisho ku qabtay xaflad looga dhawaaqay gole dhexe iyo guddi fulin
(DAAWO SAWIRO)
Mogadishu Isniin 20 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xisbiga DADKA oo Muqdisho ku qabtay xaflad looga dhawaaqay gole dhexe iyo guddi fulin
(DAAWO SAWIRO)
Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay xaflad ballaaran oo uu soo qabanqaabiyey xisbiga DADKA taasoo looga dhawaaqay xubnaha guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee xisbigaas uu yeelan doono.
Waxaa xafladaas ka qeyb galay hogaanka iyo taageerayaasha xisbiga DADKA iyo weliba qeybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka dhalinyaro, siyaasiyiin, waxgarad ka tirsan beelaha Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale intii xafladaas ay socotay heeso kala duwan oo wadani ah ka qaaday koox fanaaniin ah.
Waxaa halkaas laga shaaciyey shax ku saabsan qaabka dhismeedka xisbigaas DADKA, taasoo ka kooban gole dhexe, guddi fulin iyo madax kale, waxaana halkaas laga tiriyey magacyada guddiga fulinta xisbigaas oo ka kooban 59 xubnood iyo xubnaha guddiga fulinta oo iyana ka kooban 15 xubnood.
Gudoomiyaha xisbiga DADKA Prof. Saciid Ciise Max’uud oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in soo xulida xubnaha goleyaasha xisbigaas loo maray wado sax ah isagoo ku booriyey xubnahaas iney waajibaadkooda u gutaan si hufan, isagoo dhinaca kale ka hadlay xaaladaha siyaasada dalka iyo xiliga guurka.
Prof. Saciid Ciise Max’uud ayaa sheegay in la doonayo in la doorto masuul dalka ka samata bixin kara dhibaatada uu ku jiro, isagoo madaxda dowlada ugu baaqay iney aqbalaan natiijada doorashada ka soo baxdo ayna ahaato codeyntu mid qarsoodi ah si aysan u dhicin kala iibsasho xaga codka ah.
“Waa in la helo doorasho cadaalad ah dhaarinta ka dib wadanku wuxuu ku jiraa xaalad kala guur ah iyada oo ay joogaan kormerayaal caalami ah dorasahadana lagu qabanaayo dalka gudihiisa” ayuu intaa ku daray Gudoomiyaha xisbiga DADKA Prof. Saciid Ciise Max’uud.







Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|