|
Soo dhowaynta warmurtiyeedka beesha caalamka iyo heerka la soo gaarsiiyay hawlaha xilliga kala guurka
Mogadishu Isniin 20 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Soo dhowaynta warmurtiyeedka beesha caalamka iyo heerka la soo gaarsiiyay hawlaha xilliga kala guurka
Xarunta murashaxa madaxweynenimada 2012 ee Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi {Baadiyow} waxaa ay soo dhowaynaysaa dadaalka beesha caalamka ee ku aaddan hubinta habsami u socodka hawsha kala guurka, gaar ahaan wefdigii wada-jirka ahaa ee shalay kormeerka ku yimid magaalada Muqdisho.
Murashaxeyna Dr. Baadiyow wuxuu yiri: “Waxa aan u arkaa in war-murtiyeedkii ka soo baxay beesha calamka taariikhda August 19, 2012 oo ku saabsanaa qaabka ay socoto hawlaha xilliga kala-guurka ee Somaaliya uu ahaa mid wax ku ool ah oo wax badan ka taraya in odayaasha dhaqanka iyo guddiga farsamadu ay hawshooda si kalsooni ku jirto u qabsadaan”.
Waxa kale oo xaruntu u mahad celinaysaa odayaasha dhaqanka iyo guddiga farsamada ee xulaya xubnaha baarlamaanka sida hawl-karnimada leh ee ay hawsha u wadaan, taas oo ilaa iyo hadda u socota si wanaagsan, in kasta oo ay la kulmeen culaysyo, fara-gelino iyo handadaad fara badan.
Dhamaad
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|