Somali News
    Hees  

Soomaalida magaalada Leicester iyo sidi ay u ciideen

Leicester Isniin 20 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Soomaalida magaalada Leicester iyo sidi ay u ciideen

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah subxaanalaahu watacaalaa, naxariis iyo nabad galyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta mudanoow iga gudooma Ciid Mubaarak.

Leicester waa magaalo madaxda gobolka Leicestershire, waxa ayna ka tirsan tahay gobolada East Midland. Magaalada waxaa ku nool dad lagu qiyaasay illaa iyo 350.000 oo qofood. Magaalada waxaa ay caan ku tahay oo lagu yaqaanaa isdhexgalka iyo tixgalinta dhaqamada kala duwan { Integration and multicultural city}, taasina waa waxa soo jiitay dadka faraha baddan ee ka kala yimid dunida dacaladeeda gaar ahaan dadka asalkooda kasoo jeeda Asia waliba gobolka Gujaraat oo muslimiinta u baddan. Magaalada waxaa ku yaala masaajidyo aad u fara baddan oo waliba qaarkood aad isleedahay kuma yaalaan dunida muslimka markaad u fiirsato qaab dhismeedkooda.

Waxaad kaloo ku arkeysaa xaafado iska dhan oo ay degan yihiin kaliya dadka muslimiinta ah, adigoo mararka qaar moodaya in aad joogtid waddan muslin ah. Runtii arintaasna mahadeeda waxaa iska leh Allaah kadibna dadka muslimiinta ahee ka yimid gobolka Gujuraat ee dalkaasi Hindiya oo ah dad aad u dadaala una kheyr baddan.

Magaalada Leicester waxaa ku nool Soomaali fara baddan oo lagu qiyaasay illaa iyo 15000 oo qofood. Soomaalidaas oo baddankooda ka kala yimid ama heysta dhalashada waddamada Yurub sida Holland, Sweden, Denmark, Norway iyo Finland.

Soomaalida Leicester degan run ahaantii badankoodu waa dad isdabira oo meherado kala duwan ka shaqeysta ama ku leh magaalada. Waxaad arkeysaa kuwo ganacsada oo dukaamo iyo maqaayado ku leh magaalada, kuwo ka shaqeysta warshadaha iyo shirkadaha waaweyn ee waddanka, kuwo wada basaska ka shaqeeya magaalada, kuwo tagaasi ku wata magaalada oo fara baddan, kuwo macalimiin ah oo iskuulada wax ka dhiga ama si qaas ah u shaqeysta iyo kuwo dowladda u shaqeeyaba. Waxaa kaloo jira tiro aad u baddan oo dhigta jaamacadaha iyo collegyada magaalada. Sidoo kale waa ay jiraan tiro aad u baddan oo aan shaqo ku heysan magalada.

Haddaba maanta oo ay aheyd maalintii Ciida soonfur waxaa magaalada Leicester lagu arkayey muslimiin faraha ka baddan oo ku sii socday goobaha ay ku tukan lahaayeen salaadii ciida ama salaada kadib kasoo dareerayey. Dadkaas faraha badnaa waxaa ka mid ahaa dadka Soomaalida ah oo maanta ku tukaday masaajidyadooda ku yaala magaaladan. Leicester Waxaa ku yaala shan masaajid oo ay Soomaalidu leedahay, shantaas oo afar ka mid ah ay ku yaalaan xaafadda St Matthews oo runtii loo yaqaan Muqudishoodii Leicester waayo waa xaafad Soomaaliyeed. Masaajidyadaas waxa ay kala yihiin {Huda, Furqaan, Ibnu Cutheymiin iyo Quba } iyo sidoo kale masaajidka shanaad oo isagana ku yaala xaafada Highfields oo iyadan ah xaafadda ay degan yihiin muslimiinta ugu baddan magaalada Leicester ayna ku yaalaan masaajidyada Leicester baddankooda.

asaajidkaas Soomaalida magaciisa waa Alkowthar oo runtii ahaa masaajidkii aan maanta ku tukaday Allaha naga aqbalee.

Runtii maanta waxa ay aheyd maalin aad iyo aad u weyn goobaha ama xarumaha ay Soomaalida isugu yimaadaan waxaa lagu arkayey Dumar, caruur xiran labis aad u qurux baddan iyo akhyaartii Soomaaliyeed oo dhan oo isugu hanbalyeeynayay maalinta weyn ee ciida muslimiinta. Runtii maaha wax sheeko uun lagu soo gudbin karo kheyrkii maanta ka dhacay magaalada Leicester ee qof jooga uun baa ka bogan karaey.

Intaas kadib waxaan fursadan uga faa’ideysanayaa anigoo u diraya dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba hambalyada ciida oranayana Ciid Mubaarak, sidoo kale Allaha naga aqbalo camaladii wanaagsanaa ee aynu lanimid bishii barakeysneyd ee Ramadaan. Sidoo kale maadaama lagu jiro waddankeenii xiliigii kala guurka waxaan Allaah ka baryeynaa in uu xilligaan kheyrkiisa na waafajiyo oo uu Soomaaliya u dhiibo hogaamiye daacad ah oo Allah ka cabsi baddan leh aqoon iyo kartina iska leh. Inshaa’allaah guul Soomaaliyeey meel walboo aad joogtaanba.

Wabilaahi Toowfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje –
Social Development adviser – Leicester Uk

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)