|
Axmed Maxamed "C/qani Saciid Carab waxa uu liiska Xiriirka Ka saaray Kooxihii AUN Mugaanbe, Cid loogu dacwoodo malahan
Holland Isniin 20 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Axmed Maxamed "C/qani Saciid Carab waxa uu liiska Xiriirka Ka saaray Kooxihii AUN Mugaanbe, Cid loogu dacwoodo malahan
Dagaalkii Asiga iyo Guddoomiye Kuxigeenada, waxa uu isku badalay Asiga iyo Guddoomiyaha KMG ee Xiriirka Kubada Cagta".
Xeel dheere Isboorti oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa si weyn ugu hadlay Xifaaltanka Isboorti ee ka dhax taagan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta, Asigoona Bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed ugu baaqay in XSKC laga qabto dadka is laheesiiyay ee danaha gaarka ah ku wato, waxa uuna shaaca ka qaaday dagaalka ka dhaxeeya Xogahayaha Xiriirka Kubada Cagta C/qani Saciid Carab iyo Kusimaha Guddoomiyaha Xiriirka Cali Saciid.
Axmed Maxamed Waxa uu sheegay in dagaalka labada shaqsi uu gaaray in Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada uu liiskii Xiriirka ka saaro Kooxihii hoos tagi jiray Allaha u naxriistee Guddoomiyihii Xiriirka Kubada Cagta AUN Saciid Maxamed Nuur Mugaanbe, oo uu u arkay in ay yihiin kooxo qal qal gelin kara xilkiisa, maadaama Saciid iyo Ali ay ahaayeen rag saaxibo isku dhaw.
"C/qani iyo Cali Saciid oo hada ah kusimaha guddoomiyaha XKC waligoodba waxa ay isku ahaayeen dab iyo bansiin, waxaa isku heyn jiray Allaha u naxriistee AUN Mugaanbe, hada xaalka waxa ay tagtay in Kooxihii 3-da dhamaa ee hoostagi jiray Mugaanbe Liiska xiriirka laga wada saaro, taasina ma aha wax bahda Isboortiga ay qaadaneeso, hadii Ali Saciid iyo Asiga dagaal ka dhaxeeyo Kooxahan waa lama taabtaan, mana laga yeelayo C/qani in sida uu doono ka yeesho Isboortiga" Ayuu yiri Axmed.
Mar uu ka hadlay Sababta rasmiga ah ee ka danbeesa in liiska laga saaro kooxihii uu lahaan jiray Mugaanbe Ayuu yiri "Koobkii dhawaan la qabtay waxaa uu dadka qaar ugu sheekeeyay C/qani, in kooxaha Magacooda la badalay isla markaana sanadka danbe ee Zera B, soo gali doonaan, balse xaalka sidaa waa ka badalan yahay waxaa la rabaa in aysan cod lahaan sanadka soo aadan oo la filayo doorashooyin, waxa uuna sameestay kooxo u gaar ah oo asiga hoos taga, si codkooda cida uu doono ugu maamulo" Ayuu yiri.
"Jeenyo oo aheyd koox ay Howlaha Guud laheyd ayuu kusoo darey kooxaha u diiwan gashan xiriirka, waxa uuna guddoomiye uga dhigey nin ay ilmo adeero yihiin oo Jeenyo kasoo dheeli jirey si loogu soo daro guddiga fulinta, dorashada soo socottana uu cod uga helo, Taasina waxa ay ku tusineysaa sida uu C/qani u doonayo in uu asiga un iska heysto maamulka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta" Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
"Ceebta ugu weyn ee taagan waa tan Garoonka Conis Stadium, Lacagtii lagu dayactiri lahaa waa la cunay (1.259.000 Dollar) meel la marsiiyay illaa iyo hada jawaab looma haayo, xilli dhaw waxaa lasoo bandhigay boorsamiindo aan qorshaheeda ka war-heyno, taasi oo ah in Coos Artifishal ah laga soo gaday shirkad coosaska iibisa, tii saxda ahaana lagu iibiyay jabuuti, walina la doonayo in FIFA project loogu cuno lacago hor leh oo la doonayo in lagu dhiso Garoonka Conis Stadium iyo kan Muqdisho, Mar waliba oo dowlad waqtigeeda sii dhaceesana waxa uu adeegsadaa kuwa wasiirada ka ah, ka soo bilaw dowladii C/qaasim illaa iyo tan shariifka hada".
"Dadkii guddoomiye kuxigeenada ahaa iyo Asiga dagaal ayaa ka dhaxeeya, Ali Saciid waxa uu ahaa Guddoomiye kuxigeen 1-aad, Bakin Guddoomiye kuxigeen ayuu ahaa illaa iyo hada yahay, dhamaan iskuma aysan fiicneed C/qani, marka ma waxaan dhihi karnaa Guddoomiye kuxigeenada oo idil waa ay qaldan yihiin C/qani ayaa saxan, mise C/qani ayaa qaldan kuwaas ayaa saxan, maskax waliba oo nadiif ah waa ay dareemi kartaa cida qaldan, xiriirkiisa iska daayee Asiga iyo Madaxdii GOS ayaa isku fiicneen cid aan ugu dacwoonana ma heyno, balse waa in bahda isboortiga ka tashataa" Ayuu si kulul u yiri Axmed Maxamed.
Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta C/qani Saciid Carab ayaa Muddooyinkii ugu danbeeyay bahda Isboortiga gaar ahaan kubada Cagta waxa ay ku eedeenayeen ku tagrifal dhanka Awooda Maamul ah, iyadoona horey ay u jirtay dagaal afka ah oo ka dhaxeeyay Asiga iyo guddoomiye kuxigeenada Xiriirka, balse xilligaan dagaalka ugu culus uu ka dhex dhaxeeyo asiga iyo Kuximaha guddoomiyaha Xiriirka, taasina ay sababtay in uu Xogahaya faraha la galo Howlo ka baxsan shaqadiisa.
Salah Hassan Omer [Salah Dheere]
Email: s.dheere@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|