Somali News
    Hees  

La ligaha Isbeyn 2012-2013 oo Ku bilowday Barcelona oo Badisay ( 5-1 ) vs Real Madrid oo is dhigatay laguna Qabtay Garoonkeeda ( 1-1)

Mogadishu Isniin 20 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


La ligaha Isbeyn 2012-2013 oo Ku bilowday Barcelona oo Badisay ( 5-1 ) vs Real Madrid oo is dhigatay laguna Qabtay Garoonkeeda ( 1-1)

2 daan kooxood oo ah 2 naadi ee ku xifaaltana Hanashada Horyaalak la ligaha Isbeyn aaya Xalay Ciyaaray Kulankodii ugu Horeeyay Xili ciyaareedka 2012-2013 waxaana ay la kala kulmeen Kooxah Valencia oo Marti u aheyd Real madrid iyo Real Sociaded oo ay Booqatay  Barcelona iyadoo Xalay 2 garoon ee Labada Kooxood uu si w eyn u Camirnaa.

Kooxda Real Madrid oo Kulankeda ay la yeelatay Valencia uu ahaa kan ugu adag Lugta ugu Horeysa Horyaalka La ligaha isbeyn 2012-2013 ayaa waxa uu ku dhmaaday 1-1 waxaan Goolka ku Hormaray Raeal madrid oo uu u dhaliyaya Daqiiqadii 10 Weeraryahnkooda Reer Arjantiin Higuain,hase ahaatee Kooxda Valencia waxaa Goolkii Barbaraha ahaa u saxiixay Jones Daqiiqadii 42 ee qeybtii Hore ee Ciyaarta.

Tababare Mourinho ayaa ku haminayya inuu ka Gudbo xeyndaabka adag ee horyaalay Furitaanka Horyaalka La ligaha isbeyn hase ahaatee Kooxdiisa Real Madrid waa ku guuldareystay inay Gurigeeda ku lagedo Valencoa oo ka mida Kooxah ugu adag Isbeyn.


Barcelona oo ka Duuleysay jaaniska ay seegtay Kooxda kula xifaaltanta Horyaalak la ligaha isbeyn ayaa Nusdarsin Goolla ku Msagootisat Kooxda Real Sociedad waxaan Ciyaartaan si weyn u Gacan sareysay Barcelona oo Marti loo ahaa oo 5-1 ku Xaaqday Kooxda R.Sociedad.

Bandhiga Goolasha Barcelona waxaa daahfuray Bilowgii Ciyaarta Puyol oo dhaawac uga Maqnaa Koobkii Euro 2012 ay ku guuleysteen Xulak Isbeyn.hase ahaatee Castro aaya wax yar ka dib u Barbareeyay Sociedad.

Maclimuu Messi ayaa 2 gool oo daran doori ah daqiiqadihii 11 iyo 16 u kala dhaliyay Kooxdiisa  isagoo ciyaarta ka dhigay 3-1,weerarayahanka da,da yar Pedro ayaa dhaliyay daqiiqadii 41 ee dhamaadka qeybtii Hore Goolkii 4 waxaan lagu kala nastay 4-1 ay hogaanka ku hayaan kooxdii Martida looa ahaa.

qeybtii danbe ee Ciyaarat waxaa Goolkii 5 qalinka ku duugay D.Villa oo mudo ka badan 8 bilood dhaawac kaga Maqnaa Kooxdiisa Barcelona vs Xulka Isbeyn, waxaan Ciyaartii ay ku dhjamaatay Barcelona oo Nus darsin Goolal ah ku sagootisay Real Sociedad.

Kulmadii kale ee xiisaha ee dhacay waxaa ka mid ahaa Levante vs Atletico Madrid  1-1, At.Bilbao vs Real Betis  5-3 Ciyaaratan waxa ay noqotay Tii ugu Goolal dhaliska Badneyd Furitaanka La ligaha Isbeyn 2012-2013.

Habeen Hore kulamdii dhacay Kooxaha Savile,Malorca iyo Malaga ayaa guulo ka Gaaray Ka dib Markii ay ka kala  badiyeen Getafe,Espanyol,Celta de Vigo oo iyadu ka timid Heerka 2 waxaana ay uga kal badiyeen Savile vs Getafe 2-1,Malorca vs Espanyol 2-1,Malaga vs Celta de Vogo 1-0.


Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)