|
Shir xasaasi ah loogana hadlayo ammaanka dalka oo xalay ka dhacay xarunta Villa Somalia
Mogadishu Isniin 20 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Shir xasaasi ah loogana hadlayo ammaanka dalka oo xalay ka dhacay xarunta Villa Somalia
Xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa xalay ka dhacay shir xasaasi ah oo looga hadlayo amniga dalka, kaddib markii Dowladda KMG ah uu dhammaaday xilligeeda, waxaana shirkaasi ka soo qeyb galay madaxda sare ee Dowladda KMG ah, saraakiisha ciidamada Dowladda iyo Taliska sare ee ciidamada AMISOM.
Dhammaanba madaxda kala duwan ee ka qeyb galay shirka ayaa soo jeediyay talooyin iyo soo jeedinno ku aadan adkeynta nabadda dalka mudada lagu jiro xilliga kala guurka ah, hase yeeshee inta badan xubnihii halkaasi ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada amniga ay adkeeyaan nabadda isla markaana kahor tagaan dhaqdhaqaaqyada carqaladeynaya amnigaiyo xasiloonida dalka.
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee xilligeedu dhammaaday Shariif Sheekh Axmed ayaa shirkaasi ka jeediyay khudbad uu uga hadlayo xaaladda wadanka, gaar ahaan dhibaatooyinkii uu soo maray iyo nabadda maanta ay heystaan shacabka Soomaaliyeed.
"Anagoo fiirineyna nabadda ujeedaduna tahay in la xoojiyo nabadda wax kasta oo nabadda dhibaateyn karana laga hortago" ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo dhinaca kale sheegay in dhibaatada ay soo mareen shacabka Soomaaliyeed iyo nabadda ay maanta ku naaloonayaan aan si ciyaar ciyaar ah loo dhibaateyn karin.
Madaxweynaha Dowladda xilligeedu dhammaaday ee KMG ahayd Shariif Sh. Axmed waxaa kale oo uu ka hadlay doorka odayaasha dhaqanka iyo heshiisyadii horay dalka uga dhacay, wuxuuna ku taliyay in heshiisyadaasi la ixtiraamo, wuxuuna caddeeyay in howsha guddiga farsamada la hubiyo iyadoo ujeedadu tahay inaysan ka tallaabin xuduudii loo asteeyay.
Kulanka xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Taliyaha ciidamada AMISOM Gen. Andrew Gutti, wuxuuna sheegay in iyagu mar walbaba ay soo dhoweynayaan Soomaalida inay ka tashadaan aayahooda, wuxuuna caddeeyay in qorshaha nabadda Soomaaliya loogu sameynayo isbedel ay tahay mida ay soo dhoweynayaan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|