Somali News
    Hees  

Banki Moon : “Waxaan halkaan uga hambalyaynayaa xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ee shirkoodii ugu horeeyay yeeshay waxaana taageersanahay .."

Mogadishu Talaado 21 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Banki Moon : “Waxaan halkaan uga hambalyaynayaa xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ee shirkoodii ugu horeeyay yeeshay waxaana taageersanahay .."

War saxafadeed kaso baxay xafiiska uu magalada New York ku leeyahay xog’hayaha guud ee Q,M Ban Ki Moon ayuu guul taariikhi ah waxaa uu ku tilmaaamay dhaarinta xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya oo shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

War saxaafadeedka kasoo baxay Ban ki Moon waxaa uu ku sheegay in Q,M ay soo dhaweynayso xildhiibaanada cusub ee soomaaliya iyo baarlamaanka la dhisay sida warka lagu qoray.

“Waxaan halkaan uga hambalyaynayaa xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ee shirkoodii ugu horeeyay yeeshay waxaana taageersanahay sida ay wax u socdaan waana arrin bilaw u ah wadada tubta nabadda Soomaaliya” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kaso baxay xog’hayaha guud ee Q,M Ban ki Moon.

Ban waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay 20 sano iyo ka badan sugaysay wado cusub oo nabadda ku hagta haddana la tagan yahay waqtigas oo u baahan in laga faa’idaysto.

Sidoo kale ururka midawga Africa, urur goboleedka IGAD iyo midawga Yurub ayaa iyana so dhaweeyay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Illaa iyo 215 xubnood oo ka mid noqonaya 275 xildhibaan ee Soomaliya ayaa shalay Muqdisho lagu dhaariyay kuwaasoo ay ku jiraan xubno dawladii KMG aheyd madax ka ahaa.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)