|
Dowladda Itoobiya oo Ra’iisul wasaare cusub yeelatay, kadib markii uu geeriyooday Males Zanawi
Mogadishu Talaado 21 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda Itoobiya oo Ra’iisul wasaare cusub yeelatay, kadib markii uu geeriyooday Males Zanawi.
Sida laga baahiyay telefishinka qaranka dalka itoobiya, waxaa xalay saqdii dhexe naf waayay raysul wasaarihii dalka itoobiya Meles Zenawi oo bilooyinkii la soo dhaafay xanuusanayay.
Males Zenawi ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada baraaselis ee caasimadda dalka biljimka.
Waxana hadda reysul wasaare dalka Itoobiya ka noqday Haile Mariam Desalegn oo ah ku xigeenka raysul wasaarihii geeriyooday iyo wasiirka arimaha dibadda dalka itoobioya.
Meles Zenawi ayaa dalka itoobiya ka ariminayay muddo 20 sano ka badan, isagoo afgambi kula wareegay talada dalkaasi sanaddii 1991dii.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|