|
K/AFRIKA : Siyaasiga Soomaaliyeed Oo Baaq aan Caadi aheyn u Diraya Baarlamaanka Cusub Ee La Dhaariyey
Mogadishu Talaado 21 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
K/AFRIKA : Siyaasiga Soomaaliyeed Oo Baaq aan Caadi aheyn u Diraya Baarlamaanka Cusub Ee La Dhaariyey
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ayaa si diiran usoo dhaweeysay Barlamaanka cusub ee Somalia, islamarkaana looga gudbay waqtigii KMG.
Xogeyaha Guud ee Jaaliyada Soomaalida South Africa Siyaasiga Mr Cabdi Wali Sheikh Cabdiraxman Amiin ayaa ku tilmaamay barlamaanka cusub ee dalka uu
yeeshay Guul weyn oo 21 sano kadib dalka iyo dadka somaliyeed u soo Hoyatay, waxuuna siyaasiga abdiwali sheikh abdirahman tilmaamay in ay tahay wax lagu farxo in dalka Gudihiisa lagu dhaariyo Barlamaan cusub oo aan ahayn ku-meel-gaar.
Waxa uu ku amaanay Gudiga farsamada sida wanaagsan ee ay shaqadooda uga soo baxeen, isagoo waliba kusii amaanay Gudiga farsamada in ay muujiyeen dulqaad dheerad ah intii ay shaqada ku Guda jireen.
Dhinaca kale waxaa u tilmaamay in ay tahay markii ugu horeysay oo dalka gudihiisa ay ka dhacdo doorashada Barlamaanka iyo Xukuumad dalka maamuleysa muddo Afar sano ah, waxaana uu Abdiwali sheiklh abdirahman amin uu rajo xoog leh ka muujiyay sida wanaagsan ee Hawlaha ay u socdaan isagoo ogu hanbalyeeyay Barlamaanka cusub in ay shaqadooda si hufan u Gutaan.
Wuxuuna Barlamaanka cusub ugu Baaqay in Hogaanka dalka ay u doortaan dad aqoon leh oo ka soo bixi kara shaqada looga baahanyahay iyo waliba shaqsi dhexdhexaad ah oo aan ka qeyb qaadanin dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay kana hufan musuq maasuq iyo wixii lamid ah.
Mr abdi wali sheikh abdirahmaan ayaa muujiyay sida loogu baahanyahay hogaan wanaagsan oo isu keeni kara guud ahaan dadka iyo dalka soomaaliyeed. wuxuuna farta ku fiiqay in ay muhiim tahay in Barlamaanka Cusub ay si xoog leh uga baaran degan kana fikiraan Shaqsiga ku haboon Hogaanka sare ee dalka, wuxuuna muujiyay in muhiimadda koowaad ay siiyaan shaqsi leh Taarikh fiican isla mar ahaantasina leh Aqoon siyaasadeed oo qota dheer, hadana isku soo dhaweyn kara guud ahaan Gobolada dalka Gaar ahaan koonfurta iyo waqooyiga.
Ugu danbeeyntiina waxuu sheegay in barlamaanka cusub looga baahanyahay in ay ka fogaadan Khilaaf iyo is qabqabsi dhexdooda ah iyo wax kasta oo keeni kara Burbur Hor leh. wuxuuna kula taliyaay in ay danta Guud ee dalka ay ka hormariyaan mida shaqasiyadeed, asganoona ku booriyay in ay ka Fogaadan musuqmaasuq iyo wixii dhaawici kara Geedi socodka nabada dalka.
Abdi Wali Sheikh Abdirahman ayaa ka mida dadka aqoonta Durugsan u leh siyaasadda Geeska afrika wuxuuna inta badan waxa ka Qoraa ismaan dhaafka siyaasadeed iyo jahawareerka ka jira Guud ahaan Geeska afrika.
Cape Town
South Africa
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|