Somali News
    Hees  

Beesha Wace Maxamed Madarkicis ( Yabadhaale Cayr) oo fidisay Gogol lagu dooranayo Ugaaska Beesha

Mogadishu Talaado 21 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Beesha Wace Maxamed Madarkicis ( Yabadhaale Cayr) oo fidisay Gogol lagu dooranayo Ugaaska Beesha

Siyaasiyiinta odayaasha dhaqanka ,Ganacsatada , dhaliyarada iyo Haweenka ku abtirsada Beesha Wace Maxa’med Madarcicis Yabadhaale Cayr oo baryanba u socday shirar looga tashanayo aayah beesha, ayaa waxaa gabagabadii shirkaasa laga soo saaray Go’ano dhowr ah oo ay ugu horayso in beesha duubato Ugaas, si taa loogaarana waxaa loogu baaqay dhamaan qaybaha kala duwan ee beesha ee ku kala nool Gobolada dal iyo daafaha caalamka ee ku abtirsada beesha Yabadhaale Cayr in ay isugu yimaadaan shirwayne lagu qaban doono Magaalada muqdisho lana qabandoono horaanta bisha Septmber.

Waxaana lagu wadaa in shirkaas uu Noqdo kii ugu waynaa ee besha Yabadhaale yeelatay mudo ka badan Afartan sanadood.

Mar aan wax ka waydiinay siyaasiga Maxamuud Cumar Tootow ayaa ku sheegay in shirkaas uu yahay mid looga tashanayo aayaha beesha iyo sidii ay hogaan u matala siyaasada Soomaaliya u dooran lahayn.Nabadoon Axmed guray ayaa Bogan u sheegay in go’aanada beesha ay gaartay uu wax wayn ka badali doono aayaha mustqbal jiilka soosocdo,Injiner Xasanow ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirka soosocdo isagoo sheegay in iminka ay soogalitaanka qurbajoogta ee ay beesha yabadhaale Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale kulankas oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa aqoonyahanadii halkaas iskugu yimid ama lagu wado in shirkaas ay furaan maxamud omur Tootow Nabadoon axamed Ali baare Daylaaf nabadoon Axmed Guray Inginer xasaow oo dhamaantood ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanad Beesha Yabadhaale cayr.

Shirkan oo abaabulkiisa maalmihii ugu danbeeyay ka socday magaalada Muqdisho, ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeybgalaan siyaasiyiin aqoon yahano Culumo haween dhalinyaro ku Nool Daafaha dunida kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay Buuxiyay Hotelada magaalada Muqdisho.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)