|
AVV. Muse Hersi "Xubnaha barlamaanka maanta keliya ka xorooba adoonsiga qabyaaladda"
Amsterdam Talaado 21 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

AVV. Muse Hersi "Xubnaha barlamaanka maanta keliya ka xorooba adoonsiga qabyaaladda"
Waxaan qoraalkan walaalahayga Soomaaliyeed ee loo doortay mudanayaasha baarlamaanka , ku weydiisanlahaa inay ka xoroobaan ama ka madaxbannaanaadaan arrinka aan aan ku tilmaamay adoonsiga qabyaaladda.
Qabyaaladda oo qofka ka mamnuucda inuu fikirkiisa si xor ah u cabiro, qaastan markii loolan qabiil ama xamaasad qabiil la oogo. Arrinkaas oo cabsi looga qabo in la adeegsao doorashada hoggaanka dalka oo ayaamaha soo socda dhici doonta.
Waxaan wada ogsoonahay in dadka Soomaalidu ay ka kala tirsan yihiin qabiilooyin. Qabiilooyinkaas oo in badan oo wanaag ah dhexdooda qabsada. Waxaa dhacda in qof dhibaato haysa ay ka samatabixiyaan dadka ay sku qabiilka yihiin. Sidoo kale waxaa dhacda in ilma agoona, qof xanuunsan oo dad jilicsan qabiilku uu u gargaaro. Waxaan kale oo ogsoonahay in qabiilku uu u shaqeeyo caymis oo kale, tusaale ahaan marka qofku uu dhibaato aanu keligii magdhawgiisa bixin karin uu u geysto qofkale in loo qaaraamo qabiilka dhexdiisa . Qabiilku wuxuu xoogaa ka daboolay dhibaatooyinka ka dhashay dawlad la'aanta, sida amaanka iyo faqriga.
Waxaase jirta in qabiilka loo adeegsado in lagu gaaro ujeedooyin aan xalaal ahayn. Sida in awoodda dawladnimo lagu helo, dabadeedna loo adeegsado in lagu gaaro dano gaar ah, oo ay ka mid tahay in xoolihii ummadda lagu dhoco. Taasoo aynu soo wada aragnay intii dhibaatada iyo rafaadka aan ku jirnay.
Waxaa dhacda marka in qofka Soomaaliga ah uu kala saari waayo labada hab oo qabiilka loo adeegsado. Habka dadka wax u tara, oo la isku kaalmaysto oo haddii qofku ka weecdo ay dhici karto inuu heshiiskii qabiilada ka baxay, ayna uga timaaddo dhibaato sida inuu noqdo qof takooran ama faquuqan. Arrintaas oo xilligan dawlad la'aanta iyo amaan darada ahna aad moodid in qofkii dhibaato ku noqokarto.
Haddii marka qofku aanu ku baraarugsanayn labada hab ee qabiilka loo adeegsankaro wuxuu isku qaldi karaa labadooda. Wuxuuna maskaxiyan aamini karaa in marka uu qof qabiilkiisa dooran waayo uu ku xadgudbay heshiiskii qabiilka. Waxaana muhiim ah inuu qofku xoriyaddiisii doorasho lahaado, doortano qof ummadda wax u tari kara. Haddii kale wuxuu qofku gelayaa adoonsi maskaxeed.
Marka si aan uga gudubno, dhibaatada dhamaanweydey sida, dagaali dhimasho badan oo aan dhamaanayn, qaxootinimo iyo faqri xoog leh, dib u dhaca iyo burbr dal iyo dad, suncad xumo aduunka oo dhan aan ku yeelanahay, waxaan kaga bixi karnaa markaa aan ka xorowno adoonsiga qabiilka oo aan dooranno hogaan u danaynaya ummadda Soomaliyeed oo dhan. kuna dooranno Kartidiisa, aqoontiisa iyo dadnimadiisa.
Anigoo soo koobaya waxaan codsan lahaa in aan fikradaan gaarsiiyo baaq dadka maanta loo doortay xildhibaanada inaanay ku dhicin dabinka iyo qoolka ummadda Soomaalida masiirkooda sii fogeynaya, dhibaatadooduna sii badinaya. kaasoo ah in lagu beer laxawsado qabiil, oo hoggaanka dalka ay gacanta u geliyaan mid aan aan cidna u danayneyn.
waxaan aaminsanahay in idinkoo wannaaggii qabiilkiinna ku taageeraya, maanta ka digtoonaataan in qof danyste ah uu qabiil ama tolnimo, idinku qaldo kuna helo awood siyaasadeed.
Waxaan idinka codsanyaa in qofka aad dooranaysaan aad u fiirisaan, dadnimadiisa, caddaaladiisa iyo inuu leeyahay karti iyo aqoon uu ku hoggaamin karo dalka kagan saari karo dhibaatada.
AVV. Muse Hersi
Amsterdam, Nederland
Salah Hassan Omer
s.dheere@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|