|
Arday ka badan 1,400 oo Sannadkan u fariistay Imtixaanka Ogolaashaha ama Aqbalaadda Waxbarasho ee Jaamacadda Muqdisho
Mogadishu Talaado 21 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Arday ka badan 1,400 oo Sannadkan u fariistay Imtixaanka Ogolaashaha ama Aqbalaadda Waxbarasho ee Jaamacadda Muqdisho
Arday tiradoodu tahay 1,500 ayaa maanta u fariistay imtixaanka
aqbalaadda ah ee Jaamacadda Muqdisho, iyadoo ardaydan ay kasoo
qalin-jabiyeen dugsiyada sare ee dalka, doonaya inay waxbarashadooda
horay u sii wataan.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo la
hadlay ardaydan ayaa ku boorriyay inay u samraan geeddiga tacliimeed
ee ay Jaamacadda Muqdihso u soo doonteen.
"Waxaan u mahadcelinaynaa waalidkii idin soo barbaarshay iyo
iskuulladii aad wax kasoo barateen iyo dadkii dibadaha idin ka
taageeray," ayuu yiri Dr. Cali Sheekh oo intaas ku daray: "Sannadkan
wuxuu kaga duwan yahay sannadihii hore iyadoo ay arday badan kasoo
qaybgaleen imtixaanka qubuulka ama ogolaanshaha waxbarasho ee
jaamacadda."
Ardayda ayaa waxay isugu jireen wiilal iyo gabdho, kuwaasoo aad ugu
faraxsanaa inay ka mid noqdaan ardayda wax ka barta jaamacadda
Muqdisho oo ka mid ah Jaamacadihii ugu horreeyay ee magaalada Muqdisho
iyo meelo ka mid ah dalka Soomaaliya.
"Waalidka iyo ardaydu waxay noo muujiyeen kalsooni ay ku qabaan
waxbarashada Jaamacadda Muqdisho, maamulka iyo macallimiinta
jaamacadduna waxaa ka go'an inay soo saaraan aqoonyahanno tayo leh oo
bulshada Soomaaliyeed wax badan u qaban kara," ayuu yiri guddoomiyaha
Jaamacadda Muqdisho oo xilligaas la hadlayay ardaydii imtixaanka u
fadhiday.
Jaamacadda Muqdisho oo kaalinta 29-aad ka gashay jaamacadaha Qaaradda
Afrika, ayaa waxay sannad walba ardayda kasoo baxay dugsiyada sare u
qabataa imtixaan ogolaasho ah si ay uga mid noqdaan ardayda wax ka
barta jaamacadda.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|