Somali News
    Hees  

Shirkii ugu horeeyay oo jaaliyada Soomaalida Skandinavia maanta ku yeelatay Muqdisho + Sawirro

Mogadishu Talaado 21 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Shirkii ugu horeeyay oo jaaliyada Soomaalida Skandinavia maanta ku yeelatay Muqdisho + Sawirro

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, xafladaasi oo uu soo qabanqaabiyay Urur weynaha Somali Scandinavian Association (SOMSCAN) kaasoo ay ku mideysan yihiin ururrada jaaliyadaha Soomaaliyeed ee reer Sckandinavia oo lagu asaasay magaalada Muqdisho sanadkii 2010-kii.

Xafladaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda wadamada reer Skandinavia ee Waqooyiga Yurub sida Sweden, Denmark, Norway iyo Finland, waxaanse halkaas ka muuqan jaaliyada reer Island oo ka tirsan wadamada reer Skandinavia, inkastoo ay ku nool yihiin Soomaali aad u yar.

Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay marti sharaf kale sida siyaasiyiin, waxgarad iyo warbaahinta qeybaheeda kala duwan kuwaasi oo aad u soo dhoweeyay uguna hambalyeeyay jaaliyadaha reer Skandinavia isku xirnaanshaha iyo waxqabadkooda dalka.

Ugu horeyn waxaa xafladda khudbad furitaan ah ka jeediyay Guddoomiyaha ururka SOMSCAN Ali Yare Gaani Cabdi, kaasoo soo dhoweeyay dhammaan dadkii ka soo qeyb galay, kana soo jeediyay halkaas ereyo qiiro geliyay ka soo qeyb galayaasha kuna aadanaa muhiimadda wada jirka iyo isku xirnaanshaha ay u leedahay jaaliyadda iyo inay u istaagaan caawinaada dadkooda iyo dib u dhiska dalkooda iyo inay sidoo kale u diyaariyaan caruurtooda iyo familyadooda jawi degan oo ay dalka dib ugu soo noqon karaan.

Wuxuu kaloo ku dheeraaday ujeedka ururkaan loo asaasay iyo muhiimadiisa koowaad oo ah isku xirka iyo ka war qabiddaxaaladda jaaliyadaha reer Skandinavia iyo siday dalkooda dib ugu soo laaban lahaayeen.

Qudbooyin iyo baraarujin is daba jooga ayaa laga soo jeediyay halkaas, iyadoo ujeedku ahaa ku baraarujinta iyo dhiirigelinta in jaaliyaduhu dib ugu soo noqdaan dalka, dib u dhiskiisana ka qeyb qaataan maadaama ay jirto ifafaale nabadeed oo ka soo muuqatay dalkooda.
Xafladaan oo ay soo xaadireen dad fara badan oo ka kala yimid wadamada reer Skandinavia ayaa ahayd xafladii ugu horeysay oo hal meel loogu sameeyo jaaliyadaha Soomaaliyeed.

Dhinaca kale xafladdaan ayaa ku soo dhammaatay jawi aad u degan oo farxadeed, iyadoo ahayd is araggii ugu horeeyay ee reer Skandinavia iyo Ciidul Fitrigii, waxayna jaaliyadu sheegtay inay dalka ka bilaabeyso mashaariic horumarineed sida Korontada, biyaha iyo waxyaabaha kale ee nolosha shacabka Soomaaliyeed.












Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)