Somali News
    Hees  

Musharax Darmaan: "Haddii aan ku guuleysto xilka Madaxweynaha heykalkii dowladnimo ayaan dib u soo celinayaa"

Mogadishu Talaado 21 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Musharax Darmaan: "Haddii aan ku guuleysto xilka Madaxweynaha heykalkii dowladnimo ayaan dib u soo celinayaa"

Musharaxa Madaxweyne C/Nuur Axmed Darmaan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaanba ummadaha Islaamka ah bilashada ciidul Fitriga aawgeed, wuxuuna musharax Darmaan si gaar ah shacabka Soomaalida ku booriyay inay gacmaha is qabsadaan isla markaana ku walaaloobaan diinta Islaamka ah iyo midabka qura ee ay wadaagaan.

"Anigoo ka faa'iideysanaya fursadda ay i siiyeen bahda warbaahinta waxaan hambalyo u dirayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhammaan umadaha Islaamka ah ciidul Fitriga awgeed, Ilaahey sanadkaan kiisa xiga ha nagu gaarsiiyo dalkeenii oo nabad, barwaaqo iyo dowlad caadil ah" ayuu yiri musharax C/Nuur Axmed Darmaan.

Musharax Darmaan oo Saxaafadda ugu waramayay hoygiisa isla markaana dhinacyadiisa ay fadhiyeen madaxda Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin: Guddoomiye K/Xigeenka XMJS Md. Cali Maxamed Nuux (Tima Jilic), Wakiilka xirirka gobolada xisbiga MJS
Bashir Axmed Sheekh, kaaliyaha M/weyne Darman Mr. Faarax Bilaawe Cadde iyo waxgarad farabadan ayaa sheegey in hadii uu xilka madaxweynemo ku guulaysto uu marka hore la dagaalamayo gaajada, amnidarada, dib u heshiin lala galo mucaaradka kasoo horjeeda dawlada sida xarakada Alshabaab iyo cid walba oo kasoo horjeeda afkaarta ay ku socdeen xukuumadihii KMG ee dalka soo marey.

Dhinaca kale musharaxa ayaa sheegay in ciidamada dalalka deriska iyo M/Afrika laga maarmi doono lana xoojinayo ciidamada Qaranka Soomaaliya, wuxuuna intaasi raaciyay inuu shaqooyin abuurayo dalkana lagu sameynayo maal gashi xaga warshadaha, xoolaha, beeraha iyo kaluumeysiga ayna hayaan balanqaadka shirkadihii fulin lahaa mashaariicdaas.

"Haddii aan ku guuleysto xilka Madaxweynaha heykalkii dowladnimo ayaan dib u soo celinayaa, dalkana nabadda iyo kala dambeynta ayaan ku soo celinayaa" ayuu yiri musharax C/Nuur Axmed Darmaan oo sheegay in dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya heysata ay tahay xukuumadihii soo maray oo aan si dhab u gudan waajibaadkiisa ka saarnaa dalka iyo
dadka.

Xisbiga Mmidnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa 203dii Madaxweyne ugu doortey Ifka Xalan oo xarun u aheyd xisbiga mudo 10 sano ah ayuu c/nur darman lahaa ama uu sheeganayey in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee jamhuuriyada Soomaaliya lamana oga cida ku qancisey iyo balanqaadka uu heysto ee ku xambaarey in uu tartankan ka qeyb galo, iyadoo dhowaan XMJS uu shaaciyay inay u doorteen musharaxa uga qeyb gelaya tartanka jagada Madaxweynaha Dowladda cusub ee Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)