|
Jaaliyada Somalida ee Örebro oo Socdaal Dalxiis ku tagtay Skara SommarLand
Örebro Talaado 21 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Socdaal dalxiis oo ay isla qaban qaabiyen Jaaliyadda Geeska Afrika- Afrikas horn Kultur
Center- iyo Waalidinta ayaa maanta lagu geeyay 67 qoys oo ka koobna ku dhawaad 300 qof Tuulada
Dalxiiska Skara Sommar Land oo 250 km dhanka koofur galbeed kaga aadan magaladaan
Örebro ee Sweden.
Goobtas oo tamashleynta Caruurta qeyb weyn ka qaadato si aad ahna ay uga heleen intii
nasiibka u yeelatay iney soo booqdan,waxey ku soo qaaten saacado lama ilooban ah,marar
kaloo badana iney u laaban doonan aanan leysku heynin.Qado bufee ah oo habkeeni loo
bisleeyay iyo cabitaan kala nooc ahna waa lagu nastay.
Wiifow dhereynayo, fardo iyo dibiyo iska daba wareeganayo, dayaarado jawi sare inta ay tagan - isla markiiba hoos u soo dagayo,dooman dhax mushaxayo biyo aan mool ahayn
jawi ku soo jiidanayo dhir iyo ubax kala nooc ah iyo qurux u gaar ah intaba wey camireen.
Waxa la tagay 10.30 subxanimo illa sacadda 17.00 ayaa lagu jiray cayaaro,markuu waqtiga
dhamadayna ayada uu daal ka muuqdo dhamaan intii dalxiis tagtay ayaa Orebro dib loogu
soo laabtay.
Jaaliyadda Afrikas horn Kultur Center ayaa xafiiskisa ku booqatay Maamulaha Skara, Johan
Hedhin waxeyna uga mahad celiyeen soo dhaweynta wacan iyo wada shaqeynta diiran uu u sameeyay
Jaaliyadda waxeyna ku heshiiyen mustaqbalka iney si wacan uga wada shaqeeyan,mashariic lagu kalmeynayo qoysaska aan shaqeynin,kuwa dhawaan Dalka soo dagayo iyo kuwa uu qof keli ah u shaqeyo
si ay fursad uga helaan iney caruurtoda u fasax geyan fasxyada xagaaga meelo ku haboon.








Waxaa diyaariya Hassan Osman
Orebro
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|