|
Guddoonka Baarlamaanka KMG ah oo ku dhawaaqay waqtiga ay dhacayso doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka
Mogadishu Talaado 21 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Guddoonka Baarlamaanka KMG ah oo ku dhawaaqay waqtiga ay dhacayso doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka.
Gen Muuse Xasan C/lle oo ah Gudoonka Baarlamaanka KMG ah ayaa daboolka ka qaaday in 26-ka bishan ay dhici doonto doorashada guddoomiyaha cusub ee Barlamanka Soomaaliya iyo ku xigeennadiisa, wuxuuna ku wargeliyay musharixiinta u taagan xilka Gudoonka Baarlamanka ay soo gudbiyaan araajidooda la xiriirta musharaxnimadooda ah.
"Musharxnimada jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la qaban doonaa 26-ka bishan, inta ka horeysa Musharixiinta doonaysa jagadaasi waa inay codsiyadooda soo gudubsadaan" ayuu yiri Gen Muuse Xasan C/lle oo ah Gudoonka Baarlamaanka KMG ah.
Afhayeenka KMG ah ee Baarlamanka Gen Muuse Xasan C/lle ayaa sheegay in 26-ka bishan ay ku beegan tahay Sabtida soo socota, isagoo ku wargeliyay musharaxiinta in laga billaabo maanta ay xafiiskiisa u soo gudbiyaan araajidooda ay ku muujinaayaan inay doonayaan jagagadaasi.
Dhinaca kale wuxuu sheegay Gudoonka Baarlamaanka KMG ah inuu magacaabi doono guddi kala shaqeeya qabanqaabada doorashada afhayeenka Baarlamanka, wuxuuna sheegay in mudanayasha cusub ee Baarlamanka ay maanta isugu imaan doonaan kulankoodii labaad kaas oo lagu dhisi doono guddiga qabanqaabada Dooradhada guddoonka Baarlamanka.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|