|
Jay Carney : “Dawladeenu waxay soo dhaweynaysaa xubnaha cusub ee barlamaanka Soomaaliya hase ahaatee uma dul qaadan doonto ciddii hor istaagta go’aanada ay gaaraan ama xataa carqaladaysa.."
Mogadishu Talaado 21 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Jay Carney : “Dawladeenu waxay soo dhaweynaysaa xubnaha cusub ee barlamaanka Soomaaliya hase ahaatee uma dul qaadan doonto ciddii hor istaagta go’aanada ay gaaraan ama xataa carqaladaysa.."
Xukuumadda Washington ayaa digniin kulul u dirta cid kasta oo isku dayda inay ka hor timaado hawlaha baarlamanka cusub ee Soomaaliya sidaasna waxzaa lagu sheegay war uu warbaahinta siiyay afhayeenka aqalka cad ee dalka Maraykan Jay Carney.
Jay Carney oo Sxaafadda kula hadlay magaladda Washington ayaa sheegay in dawladiisu aysan u dul qaadan donin in la carqaladeeyo hawlaha ay qabanayaan xubnaha baarlamaanka cusub ee dhawaan la dhisay.
“Dawladeenu waxay soo dhaweynaysaa xubnaha cusub ee barlamaanka Soomaaliya hase ahaatee uma dul qaadan doonto ciddii hor istaagta go’aanada ay gaaraan ama xataa carqaladaysa hanaanka nabadda Soomaaliya” ayuu yiri Jay Carney afhayeenka aqalka cad ee Maraykanka.
Afhayeenku waxaa u xusay inay ka war sugayaan gudoonka ay baarlamaanku doortaan waxaana uu ugu baaqay inay deg deg au doortaan M/weyne cusub si Soomaaliya ay u hesho dawlad buuxda oo dhexe.
Xisbiyada siyaasadeed ee ka jira wadanka soomaaliya ayuu afhayeenku ugu baaqay inay wada shaqeyn yeeshaan kuna dadaalaan inuusan wax qalalaaso ah dhicin inta dorashada madaxtinimo socoto waxaana uu intaa ku daray inay la shaqeyn doonaan cid kasta oo Soomaaliya madax ka noqota.
Maraykanka iyo Q,M ayaa sidaan oo kale horey ugu hanjabay cid kasta oo loo arko inay caqabad ku noqdaan dadaalada la doonayo in Soomaaliya dawlad ku hesho.
Dawlada Maraykanka ayaa door muuqda o awoodeed ku leh arrimaha siyaasadda iyo amaanka Soomaaliya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|