|
Midawga Yurub oo kordhiyay waqtiga ay ciidamadooda biyaha Soomaaliya joogayaan
Mogadishu Talaado 21 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Midawga Yurub oo kordhiyay waqtiga ay ciidamadooda biyaha Soomaaliya joogayaan
Guddiga sare ee baarlamaanka wadamada ku baahoobay ururka Midawga Yurub ayaa isku raacay in hawlgalka ay ciidamadooda badda ka wadaan biyaha Soomaaliya uu sii socdo illaa iyo sanadka 2014.
Fadhi ay guddigaan ku yeesheen magaaladda Brussels ayaa waxay ku sheegay in hawlgalka midawga Yurub ee Atlanta ee ka socda biyaha Soomaaliya uu sii socon doono si loo suurto galiyo in la cirib tiro burcad badeeda Soomaalida ee wax qafaalata.
Guddigaan waxay sheegeen kadib markii ay arkeen inay willi si xawli ah ku socoto afduubida iyo hanadaada ay burcad badeedu ka hayaan gaadiid badeedka ay go’asan ku gaareen in la kordhiyo waqti ay ciidamadooda hawlgalka sii wadayaan oo la garsiiyo illaa iyo 2014.
“Waxaan so dhaweynaynaa hawlgalo samata bixin oo ah ay ciidamada Midawga Yurub ka sameeyen biyaha Soomaaliya laakiin haddana waxaa muuqata in baahi jirto” aya lagu war ay guddigan soo saareen”
Hawlgalka Atlanta oo xeebaha Soomaaliya ka bilawday sanadii 2008 ayaa waxaa ay ciidamadaasi gacanta kooxaha burcad badeeda Soomalida ka bad baadiyeen tiro gadiid badeed ah oo ay qafaasheen.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|