Somali News
    Hees  

Midowga Yurub iyo Talyaaniga oo horumar ku tilmaamay Barlamaanka Soomaaliya ee KMG aan ahayn

Mogadishu Arbaco 22 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Midowga Yurub iyo Talyaaniga oo horumar ku tilmaamay Barlamaanka Soomaaliya ee KMG aan ahayn.

Dowladda talyaaniga iyo ururka midowga yurub ayaa warsaxafadeed ay soo saareen waxa ay talaabo horumar ah ku tilmaameyn barlamaanka cusub ee dalka Somalia oo aan aheyn mid KMG ah.

Haweeneyda midowga yurub u qaabilsan siyaasadda dibadda ee la yiraahdo Catherine Ashton ayaa ku amaantay odoyaasha dhaqanka iyo guddiga farsamada sida dhaqsiyaha badan oo ay u soo xuleen barlamaanka cusub ee Somalia oo intaada badan la dhaariyay.

Catherine Ashton ayaa hoosta ka xariiqday in xilligan Somalia ay ku jirto marxalada xasaasi oo taariikhda geli doonto haddii dhinacyada soomaalida ay isku howlaan sidii ay uga samatabixi lahaayeen marxaladda hadda dalka Somalia uu ku jiro.

Haweeneyda midowga yurub u qaabilsan siyaasadda dibadda ayaa midowga Africa iyo QM waxa ay uga mahad celisay doorka ay ka cayaareen barnaaminka Somalia KMG looga saarayo.

Sidoo kale war uu soo saaray wasiirka arimaha dibadda dalka talyaaniga Giulio Terzi ayaa lagu sheegay in Soomaalida ay ku hishiiyeen inay iska laabaan baalkii madoobaa ee 21ka sano ay ku soo jireen oo ay u gudbaan hanaan horumar iyo baerwaaqo ay ku larantahay , arinkaasina dowladda talyaaniga ay si aad ah u soo dhaweeneyso.

Wasiirka arimaha dibadda dalka talyaaniga Giulio Terzi ayaa dhamaan dhinacyada soomaalida ugu baaqay inay wada shaweeyaan , isagoo si gaar ah barlamaanka cusub ku dhiiri geliyay inay dar dar geliyaan howlaha u harsan oo ay kamid tahay doorashada guddoon barlamaan iyo madaxweyne cusub.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)