Somali News
    Hees  

Ahlu Sunna oo ka soo horjeesatay baarlamaanka cusub

Mogadishu Arbaco 22 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeestay baarlamaanka cusub ee Isniintii loo sameeyay Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga talada ee Ahlu Sunna Sheekh Cumar Sheekh Cabdiqaadir Aadan oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in maamulkoodu aan wax qeyb ah laga siinin soo xulista baarlamaanka iyo howshiisa, sidaas darteedna ay ka soo horjeedaan arrintaas.

Sheekh Cumar ayaa rajo xumo ka muujiyay musharraxiinta badaneysa ee isu soo taagay xilka madaxtinnimada dalka Soomaaliya, waxaana uu xusay in dhammaan musharraxiinta aysan aheyn kuwo wax u qabanaya shacabka Soomaaliyeed balse ay yihiin dad dano gaar ah wata.

Hadalka guddoomiyaha guddiga talada ee maamulka Ahlu Sunna ayaa ku soo beegmaya xilli hal maalin ka hor magaalada Muqdisho lagu dhaariyay 211 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xigasho: Barkulan

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)