Somali News
    Hees  

Gudi ay leeyihiin Arday Reer Hiiraan wax ka barata Jamacadaha Somaliland oo deeq Qalab waxbarasho gudoonsiiyay Maamulka Jaamacada Hiiraan University

Mogadishu Arbaco 22 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Gudi ay leeyihiin Arday Reer Hiiraan wax ka barata Jamacadaha Somaliland oo deeq Qalab waxbarasho gudoonsiiyay Maamulka Jaamacada Hiiraan University

Munasabad balaran oo lagu qabtay Magalada baledweyn ayaa qalab waxbarasho oo aad u qeymo badan waxaa lagu gudoonsiiyay Maamulka iyo Maclimiinta Jaamacada Hiiraan.

Cali Cabdi Aadan oo kamid Ardayda xiligan wax ka barata mid ka mid ah Jaamacadaha Soomaaliland kana mid ah gudiga Deeqda Qalabka waxbarashada soo gaarsiiyay Jaamacada Hiiraan ayaa sheegay in lacagta Qalabka lagu soo iibiyay ay iska soo aruuriyeen Ardayda Reer Hiiraan
ee wax ku barata Soomaaliland iyagoo waliba gacan dhinaca dhaqaalaha ka helaya Shirkadaha kuwa Xaawaaladaha iyo Isgaarsiinta ee deegaankaas.

Cabdi Cabdi waxaa uu sidoo kale goobta Xaflada ka sheegay in Shirkadaha ka faaideysta Gobalka sida kuwa isgaarsiinta iyo Xawaaladaha ay ka diideen in ay kala qeyb qaataan Hormarka ay la doonayaan in Jaamacada Hiiraan ay ku talaabsato

Hormuudka Jaamacada Hiiraan Cismaan Maxamuud " Caate " ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay talabaada ay qaadeen Arday Reer Hiiraan ee wax ka barata Jaamacadaha Soomaaliland waxaana uu ku booriyay kuwa Gobalka jooga in iyagana ay kaalintooda ka soo muuqdaan sidoo kale waxaa uu baaq u diray Qurbajoogta Gobalkan ka soo jeeda in ay fadhiga ka kacaan oo ay hormarka Jaamacada ka shaqeeyaan

Dhamaan ka soo qeybgalayaashii Xaflada ayaa siweyn ugu riyaaqay talaabada wanaaga leh oo ay ku dhaqaaqeen Ardayda wanaaga la soo jeclaatay Gobalkooda.

Jaamacada Hiiraan oo ah Hormuudka waxbarashada Gobalka ayaa inta badan dadaalkeeda dhanka waxbarashada waxaa taageero siiya dadka Qurba joogta oo hiil iyo hooba la garab jooga balse waxaan marnaba aan hal talaabo oo wanaag ah hore ugu qaadiin shirkadaha ka faaideysta dhaqaalaha shacabka Gobalkan oo aan ka warqabin in ka qeyb qaadashada Hormarka dadka ay dhaqaalaha faraha badan ka helaan waxaase ay wax u ogolyihiin oo kale kooxaha hubeysan in ay dhaqaale ku taageeraan iyagoo naftooda kala baqanayaa in la waxyeeleeyo laakin kumaa ka xun in dhaqaale lagu bixiyo dhibaatada dadka halkii wanaaga laga shaqeyn lahaa.




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)