Somali News
    Hees  

Ammaanka Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay Ciidamada AMISOM la wareegeen Sugiddeda

Mogadishu Arbaco 22 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ammaanka Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay Ciidamada AMISOM la wareegeen Sugiddeda

Ciidamada AMISOM ayaa si buuxda sugida amaankeeda manta ula wareegtay wadada dheer ee isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelada hoose.

Dhamaan Deegaannada ceelasha biyaha, Lafoole iyo Xaawo-cabdi oo ka mid ah deegaannada ka sameysay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa lagu arkayay gaadiid ay wataan ciidamada AMISOM oo roondo ilaalo ah halkaas ka sameynayay.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Ceelasha biyaha ayaa sheegay inay ciidamada dowladda ku sugan yihiin saldhigga degmadaas oo keliya, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in ciidamada AMISOM ay la wareegaan sugidda ammaanka inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa waxay bishii May ee sannadkan xoog ugala wareegay degaankaas oo ka mid ah goobahii ay sida weyn dhaqaalaha uga heli jirtay kooxda Alshabaab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)