Somali News
    Hees  

Proff:C/risaaq Jurille oo Isku Soo Sharaxay Qabashada Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Mogadishu Arbaco 22 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Proff:C/risaaq Jurille oo Isku Soo Sharaxay Qabashada Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Proff: Cabdirisaaq Cismaan Xasan Jurille oo ah Xildhibaan Ka tirsan Barlamaanka Cusub  ee Somalia ayaa Shaaciyay Inuu Yahay Musharax u taagan Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya .

Proff.Jurille ayaa Warbaahinta Raadreeb  u Xaqiijiyay Jiritaanka inuu Yahay Musharaxa Xilka Gudoomiyaha Somalia Xili Maalintii Shalay uu Kamid ahaa Xildhibaano Labo Boqol Kor u Dhaafayey oo La dhaariyey .

Xildhibaan Jurille Wuxuu Rajo wayn Ka muujiyay inuu Ku guulaysto  Qabashada Xilka Gudoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Somalia oo Maalmo Kooban ay inaga xigaan  Doorashadiisa.

Proffka oo Hadalkiisa Sii Wata ayaa Yiri “Aniga Sababta aan  Xilka Gudoomiyenimo  Udoortay  ayaa ah In Baarlamaanku uu Yahay Hay’adda Keliya ee Laga Dheehan Karo Sharafta Dalka ,Marka Waxaan Doonayaa Inaan Soo Celiyo Nidaamkii Baarlamaan Lahaan Jiray ,Barlamaankuna uu Noqdo Mid Guta Waajibaadka Loo Idmaday” Ayuu Yiri Proff:Jurille Xili uu Warbaahinta Raadreeb la Hadlayey.

Cabdirisaaq Cismaan Jurrille Waa Rugcadaa Siyaasi ah Saameyn Weyn na  Kuleh Siyaasada Somalia Xilal Badana Kasoo Qabtay Dowladihii Soo maray Somalia Barisamaadkii iyo Kuwii Kumeel gaarka ahaa Ee Mudatii Bur Burka.

Proff:Jurrille Waa Xildhibaan Dowlada Federaalka Soomaaliya Kasoo Galay Deegaanad Puntland Waana Siyaasi Magac Weyn Kuleh Dhulka uu Kasoo Jeedo  ee Degaanada Puntland iyo Guud Ahaan Soomaaliyaba.

TAARIIKH NOLOLEEDKA Dr.CABDIRISAAQ CUSMAAN XASSAN(JURILE).

Waxbarasho

Proff:Jurille  Wuxuu  ku dhashay  magaalada Bossaso 31.12.1949. Sanadkii,1956dii  ,waxbarashada dugsiga hoose wuxuu ka bilaabay Dugsiga Hoose Dhexe  ee Xaaji Mire oo ku yaal  Magaalada Bossaaso ,oo ay dhigayeen macalimiin Masaari ah.Wuxuu  ku sameeyey lix sano oo waxbarashada hoose ah iyo saddex sano waxbarashada dugsiga dhexe ah  mudadii u dhexeysey 1965-1965.Waxbarashadii Dugsiga Sare Wuxuu  ku qaatay Dugsigii la oran jirey “Allah” waagii damena loo bixiyey Jamaal Cabdinaasir(1965-1969) .Markuu  dhameeyey waxbarashada dugsiga sare ka dib,wuxuu  ku guuleysey tartan deeq waxbarasho oo dalka dibadiisa ah,28kii bishii agoosto 1969kii wuxuu  waxbarasha jamacadeed u aadey dalka Hungary(Magyarorsag).Sanadkii waxbarasho ee 1969-1970,wuxuu  wax ku bartay Machad sare ee ardada ajnebiga afka dalkaas lagu baro jaamacaddana loogu diyaariyo.

Bishii settember ,1970 wuxuu  galay Jamacadda Injineeriya ee Budapest,kulliyadda “Chemical Engineering” ee Dalka Hungary,halkaas oo uu  shahaadadii kowaad ee Jaamacadda ka qaatay saddex sano oo waxbarasho ka dib( Bachlor’s degree of Chemical Engineering, 1970-1973).

Waxbarashada sare ee uu  sameeyey waa sida soo socota:

·         1973-1975 Masters degree in Chemical Engineering

·         1975-1977 PHD in Chemical Engineering and Pharmaceutical Technology.

   Aagagga aan Cilmi Baarista  ka sameeyey(Areas of Research)

(i)Curin walxo daawo noqon kara oo laga dhaliyo kimiko la isku dardari(Organic Synthesis of Biologically active compounds).In ka badan 150 walxood  oo cusub  oo daawo noqon kara ayuu curiyey,waxaanna Lagu daabacay Jornaal wax yaabaha cusub ee lagu daabaco walxo cusub ee ku  cilmiga kimikada oo la yiraahdo American Chemical Society(Chemical Abstract).

(ii) Baaritaan dhirta Soomaaliya ka baxda ee daawo ahaan loo isticmaalo,iyo nooca kimika ahaan ku jira oo daweynta masuulka ka ahaa(eeg Jornaalka “the nature” adigoo magaca qoraha eegaya)

(iii) Diiwaan gelinta dhirta daawada loo isticmaalo ee ka baxda Soomaaliya

(iv) Baaris dhamaystiran oo la xiriirta faleenka(Beeyo iyo Maydi),iyadoo laga soo saaray nooca walxaha loo yaqaan Terpenoids,Organic Acids,Polysacharides iyo qaar kale ee fara badan.Walxahaas oo  dhammaantood qiimo ganacsi ku leh suuqyada adduunka,waxaa soo saarta wershed ku taal  magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Baaritaanadaas wuxuu ku sameeyey Jaamacadaha kala ah: Chinoin Pharmaceutical Research Laboratories, Budapest Hungary,Uppsala-Sweden,Padova,Rome,Palermo Italy,iyo Jaamcadda Ummadda Soomaaliyeed Kulliyadda Kimikada wershedaha(Faculta Chimica Industriale ,Universita Nazionale Somala).

Macalinimo iyo waxbarid.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed,Kulliyadda Kimikada Wershedaha(Somali National University, Faculty of Industrial Chemistry ,1977-1990).

Kulliyaddaas wuxuu  ka noqday Hormuud mudadii u dheexeysay(1978-1984) iyo Madaxa waaxda   Organic Chemistry and Technology.waxaan kalo booqasho(Visiting Professor) wax barid ah ku tegey Jaamacada kale ee dalal kale ee dibada ah ku yaal.

 Xubinimo

1.Xubin ka mid ah asaasayaasha qaybta baarista iyo erybixinta cilmiga kiimikada,hayadda Akadeemiyada Qaranka ee Cilmiga,Fanka iyo Suugaanta,(1970-1990)

2.Xubin ka mid guddiga Erey bixinta cilmiga ah ee Af Soomaaliga,ee Akadeemiyada Qaranka ee Cilmiga,Fanka iyo Suugaanta.

3.Xubin ka mid asaasayaasha ,iyo Gudoomiye Guddiga Maamulka(1994-2008) ee Xarunta baarista horumarinta Puntland(PDRC) ee saldhigeedu yahay Garoowe.

4. Xubin Baarlamaan:

·         1984-1990

·         2004-2012

·         2012-

5. Xubin Golaha Wasiirrada :

·         Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga(1989-1990),

·         Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah(2004-2007)

·         Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta(2009-2010)

Maamulidda iyo Hirgelinta Mashaariic horumarineed ee Qaran.

Gudoomiyaha Hayadda qaranka(ENFAIS) ee u xilsaaran hirgelinta  mashaariic  gaar ah ee ay maalgelineyso Dawladda Taliyaaniga(National Agency for Italian special aid program for emergency) 1984-1988.Mashaariicda hayaddaasi  hirgelisey waxaa ka mid ahaa:

·         Dhismaha jidka laamiga ah ee isku xira Garoowe-Bossaaso oo dhan 452km.

·         Dhismaha Dekedda Bossaaso

·         Dib u dhiska iyo ballaarinta Cusbitaalka Bossaaso

·         Dib u dhiska iyo ballaarinta Cusbitaalka Garoowe

·         Dib u dhiska iyo ballaarinta Cusbitaalka Caluula

·         Qodista 100 ceel ee laga qoday gobollada Bari, Sanaag, Sool iyo Nugaal.

·         Dayactirka iyo dib u hagaajinta Wershedda Sonkorta ee Jowhar.

·         Mashruuca cusbo bixinta Beeraha qasabka sonkorta Jowhar iyo mashruuc lo’ caano teelka ah,

·         Dhismaha Gawaanka xoolaha  ee Muqdisho.

·         Dhismaha Wershadda waxyaabaha ka soo hara hilibka iyo hargaha ee soo saarta cuntada digaaga iyo saabuunta dhagaxa ah.

·         Dhismaha Wershedda Hargaha,

·         Dhamaystirka  dhismaha iyo kicinta wershedda Daawooyinka samaysa ee Muqdisho

·         Dhisma mashruuca isku dhafka beeraha iyo xoolo naaxinta lambar 50 ee GIizoma,

·         Dib u dhiska jidka Afgoi-Golweyn 183 km ee laamiga ah,

·         Dhismaha Xarunta habaynta Kalluunka  ee Baraawe

·         Cusboonaysiinta qalabka wax soo saarka wershedda khayraadka  badda ee Kismaayo(SMP)

·         Dhismaha Shirkadda  kalluumaysiga Shifco ee maamusha lixda markab ee dawladda talyaanigu ku deeqday,

·         Shan diyaaradood ee ah kuwa qumaatiga u kaca iyo kuwo yar yar,oo Soomaali airlines la siiyey,

·         120 baabuurta PG iyo booyadoisgu jira oo la siiyey wasaaradda gaadiidka si ay gacan uga geysato qaybinta kaalmada dadka tabaalaysan iyo bara kacayaasha.

·         Qalab iyo gaadiid loogu deeqay wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta si wadooyinka loogu dayactiro kuwo cusubna loogu dhiso.

Maaraynta shirkado Gaar loo lee yahay.

1.Maareeyaha Guud ee shirkadda Africon sales Ltd,Nairobi Kenya, 1991-2002,

2.Maareeyaha guud shirkadda Mareero pharmaceutical Ltd,Nairobi Kenya,1996-2001,

3.Gudoomiyah shirkadda Lubanchem Ltd,Nairobi Kenya, 2001-2004.

Maamulidda Hayado kale

Gudoomiyaha guddiga Qoraalka wargeyska Ogaal.1985-1989.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)