|
Itoobiya oo sheegtay in Zenawi kadib isbedel uusan ku imaan doonin siyaasaddii Soomaaliya
Mogadishu Arbaco 22 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Itoobiya oo sheegtay in Zenawi kadib isbedel uusan ku imaan doonin siyaasaddii Soomaaliya
Bereket Simon oo ah afayeenka dowladda Itoobiya oo warbaahinta kula hadlay magaaladaAddis ababa ee xarunta dalkaasi ayaa sheegay in wax isbadal ah aysan ku imaandoonin siyaasadda xukuumadda Addis ababa ee ku wajahneyd dalka Somalia kadib geeridii Males Zenawi.
afayeenka dowladda Itoobiya ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doonto siyaasaddii raysul wasaarihii geeriyooday Males Zenawi ee ku aadaneyd dalka Soomaaliya kuna saleysneyd la dagaalanka waxa uu ugu yeeray argigixisada hoyga u ah dalka Somalia .
“waxaan idiin sheegayaa in wax is badel ah aysan ku imaandoonin siyaasaddii Itoobiya , wax waliba waxa ay ku soconayaan sdii uu u qoondeeyay raysul wasaarihii geeriyooday ee Males zanawi “ayuu Bereket Simon u sheegay warbaahinta isagoo hadalkiisa intaa ku daray in nabadeeyo somalia ay ku xerantahay la dagaalanka Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda oo uu sheegay inay ka soo horjeedaan dowlad ka hana qaada dalka Somalia.
Bereket Simon ayaa sheegay in ciidamada itooniya ee Somalia ku sugan ay yihiin kuwo naftooda u huraya sidii shacabka soomaaliyeed ay kaga badbaadin la haayeen kooxo carqaladeenaya oo shababku ay kamid yihiin , waa sida uuyiri , waxana uu tilmaamay in ciidamada itoobiuya ay soomaaliya sii joogayaan ilaa iyo inta laga ciribtirayo al shabab , soomaaliyana ay ka yeelanayso dowlad hanata amaanka dalka Somalia .
Dowladda Itoobiya ayaa fara gelin xoogan waxa ay ku heysaa siyaasadda dalka Somalia, waxana dalka ka jooga ciidamo kumanaan askari agaaraya kuwaas oo gudaha Somalia kula dagaalamaya xarakada Al shabab.
Dadka ka hadla siyaasadda geeska Africa ayaa sheegaya in raysul wasaarihii itoobiya Males Zenawi geeridiisa kadib dalka Somalia uu leeyahay rajo dowladnino maadaama sida ay sheegeen Males zenawi uu ahaa shaqsi ka soo horjeeda dowlad awood leh oo Soomaalidu ay yeeshaan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|