Somali News
    Hees  

Koobka Kubadda Cagta ee General Daa’uud oo furmay

Mogadishu Arbaco 22 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Koobka Kubadda Cagta ee General Daa’uud oo furmay

Waxaa ka furmay garoonka jaamacadaha ee magaalada Muqdisho tartanka koobka General Daa’uud oo ah tartan caan ah oo sanadkiiba mar uu qabto xiriirka Soomaaliyeed eekubada cagta.

Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galaya 12 kooxood waxaana cayaartii ugu horeysay ay shalay dhex martay kooxaha Elman iyo Dahabshiil cayaartaas oo ugu dambeyntii kusoo idlaatay 4-1 ay guushu ku raacday naadiga Elman.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble ayaa furitaankii tartankan ka sheegay in xiriirku uu ahmiyad weyn siiyo tartankan oo lagu maamuuso General Daa’uud Cabdulle oo ahaa aas aassihii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

“Horyaalka heerka 1-aad lugtiisii hore way dhamaatay waxaana la geliyay hakad sababtoo ah bisha Ramadaan waxaana dib loo bilaabi doonaa 14-ka September ka horna waxaan qabaneynaa General Daa’uud Cup sida ku cad qorshe howleedka xiriirka”ayuu yiri guddoomiye Cali Siciid Guuleed.

Kooxda Elman waxaa sadex gool u dhaliyay ciyaaryahanka la yiraahdo Maxamed Nuur cabdi daqiiqadihii 3-aad, 7-aad iyo 56-aad halka goolka afaraadna uu u dhaliyay Cabdullaahi Yuusuf Cusmaan daqiiqadii 24-aad ee qeybta hore ee cayaarta.

Kooxda Dahabshiil goolka keliya waxaa u dhaliyay ciyaaryahanka la yiraahdo Khaladiin Maxamed cabdulqaadir daqiiqadii 40-aad ee qeybta hore ee cayaarta.

Intii ay socotay cayaartii shalay waxaa calaamado kala duwan la siiyay ciyaartoyda magacyadoodu hoos ku cad yihiin

ELMAN

Name

Number

Date

Minute

Caution

Abdullahi yusuf Osman

11

20/Aug 2012

80th

R Card

DAHABSHIIL

Name

Number

Date

Minute

Caution

Nur Ibraahim Ali

2

20/Aug 2012

45th

Y Card

Abdirisak Isak Sheik

4

20/Aug 2012

77th

Y Card

Zakariye Abokar Nur

6

20/Aug 2012

80th

Y Card

 

 

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)