|
Maqaal: Geerida Meles, Miisaankiisii Shakhsiyadeed iyo Marxladda Geeska Africa
Arbaco 22 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Geerida Meles, Miisaankiisii Shakhsiyadeed iyo Marxladda Geeska Africa
Meles Zenawi, ka sakow muuqaalka lama illaawaanka ah ee uu ku yeelan
doono taariikhda Dalka Itoobiya, waxaan sidoo kale shaki ku jirin in
ay geeridiisu saamayn dhinacyo badan ku yeelan doonto guud ahaan
Geeska Africa iyo hay’adaha iyo dowladaha Caalamka intabaHooyo Eretariyaan ah, iyo Aabbe Itoobiyaan Tigree ah ayaa iska dhalay.
Meles Zenawi, wuxuuna ku dhashay Magaalada Adwa oo ku taal Waqooyiga
Itoobiya, waa halka ay Qowmiyadda Tigreegu dagaan. Meles wuxuu ku
korey waxna ku bartay Xarunta Itoobiya ee Addis Ababa, isagoo 1975-tii
ka tagey sanadihii ugu danbeeyey ee jaamacaddiisa, kuna biiray ururkii
TPLF ee Xoraynta Qowmiyadda Tigreega, Toddobo sano kaddibna la
wareegay hoggaanka sare ee Ururkaas.
Hoggaamiye Meles Zenawi oo madax u ahaa Ururkii Mucaaradka ee la
dirirayey taliskii Mingisti Xayle Maryam waxay talada si kumeel gaara
ula wareegeen Sannadkii 1991-dii Ilaa 1995, isagoo isla sannadkaas
qudhiisa si rasmiya u noqday ra’iisalwasaaraha Jamhuuriyadda
Federaalka Itoobiya.
Dadka aqoonta u leh shakhsiyadda Ra’iisalwasaare Meles waxay sheegaan
inuu ahaa nin aad u ad adag, firfircoon, sifiicana u kala yaqaan
saaxiibadiis iyo cadowgiisa. Waa shakhsi caqli badan, codkar ah,
xanaaq iyo farxad toonana aan laga yaabin inaad dhegahaaga ku maqasho
isagoo qoslaya!
Ra’iisalwasaare Meles wuxuu Itoobiya ka dhisay mid ka mida nidaamyadii
ugu adkaa ee waddan laga sameeyo. Wuxuu tirtiray Mucaaradkiisa, isagoo
dhisay millatari awood badan oo iyagu jawaab u noqda su’aal walba oo
miiska saaran.
Mucaaradka meles Zenawi waxay ku eedeeyaan inuu aasay Itoobiya, isagoo
ka qariyey indhaha iyo dhegaha caalamka labadaba, una horseeday inay
Itoobiya weli ka mid tahay waddamada ugu maciishad iyo horumarka liita
Adduunka, waxayse dhinaca kale taageerayaasha meles aaminsanyihiin,
inuu meles Itoobiya ka dhigay waddamada ugu horreeya qaaradda Africa
marka la eego dhismaha iyo jidadka, isagoo waddanka keenay companyo
shisheeyaa oo maalgashada islamarkaasna kobciya dhaqaalaha Dalka.
Saamaynta Meles ee Dibadda Itoobiya
Xukunka Meles Zenawi wuxuu Itoobiya u horseeday in ay saamayn baaxad
leh ku yeelato dowladaha dariska la ah Itoobiya, Geeska Africa iyo
guud ahaa Caalamka oo dhan. Wuxuu ku guuleystay inay Itoobiya hanato
furaha siyaasadda ee Soomaaliya, Adis-ababana noqoto xarunta ay
talada kama danbaystaa ka qaataan siyaasiyiinta Soomaalida iyo sidoo
kale dowladaha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.
Mr Zenawi wuxuu shiish iyo taarged ka dhigtay sidii aysan dowlad
Adag, ama ugu yaraan Islaami ah aysan uga dhalan lahayn Soomaaliya,
ra’yigaas oo marxabayn iyo gacaltooyo hoose uu uga helay dowladaha
Reer Galbeedka, oo iyagu aaminsan inay Soomaaliya ubuc unoqon karto
waxa ay ugu yeeraan Argagixisada oo ay ku jiraan Kooxaha Islaamiyiinta
ah, Sida Alshabaab oo kale.
Meles, oo sifiican u yaqaan muddana ku noolaa Magaalada muqdisho wuxuu
sifiican u kala bartay deegaanada, maamulada, qabaailka, siyaasiyiinta
iyo xataa luuqadda Soomaaliga, taasoo u suurta gelisay inuu si sahlan
u hago siyaasadda Soomaaliya isagoo ku sugan guriga Madaxtooyada
Itoobiya.
Soomaali badan waxay rumaysanyihiin in fara gelinta Dowladda Itoobiya
sababtay inaysan Soomaaliya yeelan dowlad, iyadoon weliba intaas
keliya ku dayne samaysay dagaal oogeyaal, sidoo kalena hubaysay
qabaa’il iyo kooxo iyada taageersan, si aysan marnaba u suura gelin
Dowlad iyo Dal Soomaaliyeed oo is raaca.
Inkastoo had iyo goor ay Ciidamada Itoobiya geli jireen gudaha
Soomaaliya, haddana dhammaadkii 2006dii ayey ahayd markii ay tobanaan
kun oo millatariga Itoobiya ah duulaan ku qaadeen gudaha Soomaaliya,
iyagoo oggolaansho ka haystay Dowladda Taagta daran ee Soomaaliya,
dhaqaale iyo taageero siyaasadeedna ka helayey Dowladaha reer
Galbeedka. Ujeedka duulaanka ayaa ahaa in la tirtiro kooxaha
Islaamiyiinta ee ka curtay gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna Magaalada
Muqdisho oo ay Maxkamadihii Islaamigu horkacayeen, hase ahaatee
2009-kii ayaa dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya sheegeen inay soo
afjarantay joogitaankii Millatariga Itoobiya.
Bishar Abdirisaq Cabdi
Seattle, Washington. USA.
bishaarcc@gmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|