|
Ugaas Maxamed Ugaas Cabdulaahi (Ugaas Mowliid) “Shariif Xasan Shiikh Aadan ma Hogaanka Dhaqanka Beesha Reer Ow Xasan Baa..?”
Mogadishu Arbaco 22 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ugaas Maxamed Ugaas Cabdulaahi (Ugaas Mowliid) “Shariif Xasan Shiikh Aadan ma Hogaanka Dhaqanka Beesha Reer Ow Xasan Baa..?”
Ugaaska Beesha Reer Ow Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Cabdulaahi Ugaas Axmed oo ku magac dheer Ugaas Mowliid ayaa soo saarey Qoraal uu kaga hadlayo halkii ay mareen Laba Xubnood oo ay Beeshu ku lahayd Xildhibaanada Baarlamaanka waxaana Qoraalkaas lagu wargelinyaa dhamaan Haya’daha iyo Beelaha Soomaaliyeed ee ka qayb qaadanayey Hanaankii kala Guurka waxaana Qoraal uu soo Saarey Ugaaska u Qornaa Sidatan
Ku :Dhamaan Ugaasyada Soomaaliyeed
Ku :Dhamaan Siyaasiinta Somaaliyeed
Ku :Dhamaan Aqoonyahanada Soomaaliyeed
Ku :Dhamaan Hay,adaha Sharci ilaalinta Dawlada
Ku:Xafiiska Siyaasada ee U.N UNPOS
Ujeedo: Wargalin
Waxaan dhamaan Shacabka Soomaaliyed iyo Beesha caalamka ku wargalinayaa in beesha Reer Ow Xasan oo ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed in sannadkaan uu ku dhacay Dulmi Taariikhi ah taas oo ka dhalatay in Gudoomiyahii hore Barlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aadan uu Ugaas been abuur ah u sameeyey gacan Yarahiisii ahaana Gudoomiye ku xigeenkii sii hore Barlamaanka C/wali Ibraahim Muudey asagoo ugu aabaal gudaayo hiliintii uu ugu hiileyey markii Barlamaakii hore uu kala qayb samey iyo in cod ka helo Doorasha Madaxweyne ee soo socoto .
Dulmiga labaad wuxuu dhacay markii labadii Xubnood ee Beesha Reer Ow Xasan la heyd midna uu ku qorey gacan yarahii sii hore C/wali Ibraahim Muudey ,Xubintii labaad oo Beeshu laheydna uu ka gatey nin Ganacsade ah oo Beesha u dhashey si uu lacagtaas ugu galo Doorashada Madaxweyne ee soo socoto.
Hadaba anigoo ku hadlaayo magaca Hogaanka Dhaqanka ee Beesha Reer Ow Xasan iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee Beesha , waxaan cadeynayaa labadaa Xubnood ee Baarlamaaka sida sharci darada ku galey in ay yihiin xubno Shariif Xasan Sheikh aadan uu keensadey ee ay san aheyn xubno matala Beesha Reer Ow Xasan .
Sidaa darteed anigoo ka ambaqaadaya Maahmaahda Soomaaliyeed ee ahayd (Hal Booli ah Nirig Xalaal ah ma Dhasho) Xubnahaas Xaaraanta lagu keensaday waxaa soo qorey Ugaas been abuur ah oo matalo Shariif Xasan Sheikh Aadan ,waxayna qeyb ka tahay Ololaha Doorashada Madaxweyne ee soo socoto,hadaba Codka ay bixinayaan Xubnahaas Sharci darada lagu keeney ma aha mid Xalaal ah oo Sharciga waa faqsan..
Waxaan Dhamaan Hay,adaha Sharciga ee Dawlada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee Xaq darada Neceb iyo Beesha Caalamka ka codsaneynaa in arintaa Dulmiga ah wax laga qabto, oo laga soo saaro Barlamaanka Soomaliyeed ee Shacabka Soomaaliyee ay rajada ka qabaan in uu Dalka iyo Dadka wax u qabtaan labadaas xubnood ee sida sharci darada ku galay Barlamaanka. Waxaana Qoraalkaas ku saxiixnaa.
Ugaas Maxamed Ugaas Cabadulaahi Ugaas Axmed
(Ugaas Mowliid) Ugaaska Beesha Reer Ow Xasan
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|