Somali News
    Hees  

Ambassador  Diinaari oo ugu baaqay in ay joojiyaan Baarista iyo qodista shidaalka sharci darada ah ee ay xeebaha Soomaaliya ka qodayaan shirkadaha reer galbeedka

Mogadishu Arbaco 22 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ambassador Diinaari oo ugu baaqay madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka cusub in ay joojiyaan  Baarista iyo  qodista shidaalka sharci darada ah ee ay xeebaha Soomaaliya ka qodayaan shirkadaha reer galbeedka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Koofurta Sudaan Ambasadoor C/raxmaan Nuur Maxamad (Diirnaari) ayaa sheegay  in ay tahay arin laga xumaado in dowlada Kenya ay  sharci u siiso (licens) shirkado in ay shidaal ka baaraan ama ka qodaan xeebaha Soomaaliya ee ku yaala xadka ay waydaagaan  Soomaaliya iyo Kenya.

Safiirka oo arintasi sii ambaqaadayay waxa uu sheegay in lakabayada biyaha  (Block)  L21,L23,L24 oo ay  Kenya u ogolaatay shirkad Talyaani ah oo la yiraado ENI iyadoo L22 ay Kenya Licens  u siisay shirkad Fansis ah oo la yiraado Total SA  ,halka Block L5  iyo  Block  L26 ay ka kala baarayaan shidaal shirkadaha  Mareykanka ee Anadarko Petroluem Cooperation iyo Norway State Oil oo laga leeyahay Dalka Norway.

Ambassador Abdiraxmaan Diinaari wuxuu intaa ku daray in ay socoto Howl lagu baarayo Shidaal oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in la hirgaliyo inta aanay iman Dowladd Soomaaliyeed oo la filaayo iney Dhalato Bishan Ogosto,wuxuuna safiir ugu Baaqay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya iney u howlgalaan joojinta Baarista iyo soo saarida Shidaalka ku jira Xeebaha Soomaaliya ee ku yaala Xadka ay Soomaaliya wadaagaan Kenya,isagoo xusuusiyay in ay masuuliyad weyn ay ka saran tahay Ilaalinta Hantida Qaranka.

Safiirka wuxuu Shirkaddaha Reer Galbeedka ee sida sharcidarada ah uga baaraya amo ka soo saaraya Shidaalka Xeebaha Soomaaliya ugu baaqay  iney ka waantoobaan falkaasi oo ay ilaaliyaan sumcadooda, haddii ay doonayaan iney Shidaal ka baaraan Xeebaha Soomaaliyeed ay la soo xiriiraan Dowladda Soomaaliyeed oo iyadu xaq u leh bixinta Sharciga Baarista iyo Qodista shidaalka ee Soomaaliya,isagoo hoosta ka xariiqay in Shirkaddii u hogaasami weyday Mustaqbalka aanay xaq u heli doonin iney Soomaaliya ay Baaris iyo Qodis.

Ugu Dambeyntii Ambassador Diinaari wuxuu Amaan iyo Boogaadin u diray Hay’adda The East African Energy  Forum oo Kenya iyo Shirikadaha reer galbeedka uga digay iney si sharci daro ay Baaris iyo Qodaalba uga sameeyaan Xeebaha Soomaaliya ee  k u yaala Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Axmed Lafoole
 laffoole@hotmail.com

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)