|
Ambassador Boubacar Diarra : “Waxaynu wada shaqeyn buuxada la yeelan doonaa madaxda dowladda cusub..."
Mogadishu Arbaco 22 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ambassador Boubacar Diarra : “Waxaynu wada shaqeyn buuxada la yeelan doonaa madaxda dowladda cusub oo looga fadhiyo inay soo doortaan xildhibaanada barlamaanka cusub si loo soo celiyo amaanka iyo nabad gelyada dalka Sooomaaliya.."
Ambassador Boubacar Diarra oo ka tirsan guddiga midowga Africa u qaabilsan arimaha Somalia oo warsaxaafadeed ka soo saaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in ururka midowga Africa uu soo dhaweenayo barlamaanka cusub ee Somalia islamarkaana uu si aad ah ula shaqeyn doono madaxda dowladda cusub ee dalka Somalia
Boubacar Diarra ayaa tilmaamay in midowga Africa ay ka go’antahay in madaxda dowladda cusub oo maalmo kadib la soo dooran doono ay ka saacidaan sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabado badan oo horyaala oo ay kamid tahay xasilinta dalka Somalia
“Waxaynu wada shaqeyn buuxada la yeelan doonaa madaxda dowladda cusub oo looga fadhiyo inay soo doortaan xildhibaanada Barlamaanka cusub si loo soo celiyo ammaanka iyo nabad gelyada dalka Soomaaliya shacabka soomaaliyeedna meel walbo oo Somalia kamid ah si xur ah ay ugu noolaadaan”ayuu Boubacar Diarra ku yiri warsaxaafadeedka uu soo saaray.
Ambassador Boubacar Diarra waxa kale ee uu ku shaaciyay warsaxaafadeedkiisa in xilli taariikhi ah Somalia ay ku jirto , waayo waxa uu yiri “hadda Somalia waxa ay leedahay dastuur iyo barlamaan cusub “
Barlamaanka cusub ee Somalia ayuu ku dhiiri geliyay in hab cadaalad ah ay u gutaan howlahooda , isagoo ugu baaqay inay dareemaan mas’uuliyadda culus ee saran.
Ururka midowga Africa ayaa ah urur faraha kula jira howlaha siyaasadeed ee dalka Somalia.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|