|
Maamulka gobolka Gedo ee Dowladda KMG ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsanaa Al Shabaab ay isku soo dhiibeen
Mogadishu Khamiis 23 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maamulka gobolka Gedo ee Dowladda KMG ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsanaa Al Shabaab ay isku soo dhiibeen.
Afhayeenka Maamulka Dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo Axmed Cabdullaahi Xirse (Labaalle) oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay isku soo dhiibeen Maamulka Dowladda ee gobolka Gedo.
Afhayeenka ayaa sheegay in arrintaani ay ka dambeysay kaddib markii culees dhinaca dagaalka ah iyo dhaqaalo yari ay soo wajahday Xarakada Al Shabaab, wuxuuna xusay in tirada Ciidamo ee iminka kasoo goosatay Al Shabaab ay gaarayaan illaa 6-askari, isagoo tilmaamay in Ciidamada Dowladda ay kaga soo biireen dhinaca degmada Buurdhuubo oo muddooyinkii dambe ay ka dhacayeen dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab.
Axmed Cabdullaahi Xirse (Labaalle) ayaa waxa uu intaasi ku daray in uu socdo qorsho ay ku bilaalayaan abaabullo dagaal oo ku aaddan sidii Al Shabaab looga saari lahaa deegaannada iyo degmooyin ka maqan gacanta dowladda oo ay iminka ka arramiyaan Ururka Al Shabaab.
Muddooyinkii dambe ayaa Saraakiisha Dowladda ee ku sugan gobolka Gedo waxa ay wadeen abaabullo iyo qorshayaal ay kula wareegayaan deegaannada ay Shabaabku kaga sugan yihiin gobolka Gedo.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|