Somali News
    Hees  

Beesha Wacaysle oo xubnihii ay soo gudbiyeen laga reebay liiska Xildhibaanada cusub (Akhri Documents muhiim ah)

Mogadishu Khamiis 23 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Beesha Wacaysle oo xubnihii ay soo gudbiyeen laga reebay liiska Xildhibaanada cusub (Akhri Documents muhiim ah)

Waxaa soo badanaya eedeymaha loo jeedinayo guddiga farsamada ee xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub, iyagoo lagu eedeynayo inay faraha la galeen howlo ka baxsan shaqadii loo igmaday, waxaana cabasho xoog leh ka soo yeertay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee iyagu soo xulay xubnihii u matali lahaa Xildhibaanada, hase yeeshee guddiga farsamada uu ku takri falay isla markaana soo celiyay in ka badan 50-Xildhibaan oo beelahooda ka socda.

Guddoomiyaha dhaqanka beesha Wacaysle oo ku abtirsata beel weynta Muddulood Caaqil Maxamed Cabdi Shiddo ayaa sheegay in saddex xubnood oo ay beeshu xulatay una soo gudbiyeen guddiga farsamada inay ka reebeen liiska Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ayna hakiyeen.

"Liiska Xildhibaanada Baarlamaanka cusub waa laga reebay xubnaha beesha Wacaysle, waxaana ka mas'uul ah guddiga farsamada" ayuu yiri Caaqil Maxamed Cabdi Shiddo oo sheegay in guddiga farsamada soo xulista Xildhibaanada aanay jirin wax eedeyn ah oo ay u soo jeediyeen xubnaha beesha Wacaysle u soo gudbisay.

Caaqilka beesha Wacaysle waxaa kale oo uu sheegay in nidaamka soo xulista Xildhibaanada cusub ay faragelin ku hayaan guddiga farsamada iyo madax ka tirsan Dowladda KMG ah oo uu ku eedeeyay inay musuqmaasuqayaan iyagoo kaararka aqoonsiga siinaya xubno madax iyo xubno ka tirsan Dowladda oo aan ka socon beelahooda iyagoo ka qaadanaya lacago laaluush ah.

Waxa uu ku eedeeyay Wasiirka arrimaha gudaha Dowladdii xilligeeda dhammaaday C/Samad Macallin Maxamuud inuu faragelin toos ah ku hayo nidaamka soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub, isagoo fududeeyay bixinta kaararka aqoonsiga uu siiyay shaqsi ka tirsan Dowladdii dhacday.

"Beesha caalamka waxaan u sheegayaa in cadaalad darro iyo musuqmaasuq lagu hayo howsha odayaasha dhaqanka ay ku soo gudbinayaan Xildhibaanada ay u soo doorteen inay u matalaan Baarlamaanka cusub" ayuu yiri Guddoomiyaha dhaqanka beesha Wacaysle.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in dacwad arrintaasi ka dhan ay u gudbiyeen wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Abassador Mahiga iyo dhammaanba guddiyada kala duwan ee dhismaha Baarlamaanka cusub.

Fiiri Dokuments-ka oo caddeynaya Xildhibaanada beesha Wacaysle ay u gudbiyeen guddiga soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub, jawaabta guddiga iyo warqadda Golaha dhaqanka beesha Wacaysle ay ku magacaabayaan saddexda xubnood ee Xildhibaanada u matalaya Baarlamaanka cusub iyo warqadda Imaamka Muddulood:-




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)