Somali News
    Hees  

Xasan Daahir " Dowlada Cusub dagaal ayaan kala hortageynaa

Mogadishu Khamiis 23 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xasan Daahir " Dowlada Cusub dagaal ayaan kala hortageynaa

Hoggaamiye sare oo Al-shabaab ka tirsan ayaa shaaca ka qaaday in ay la dagaalami doonaan dowlada Cusub ee dhawaan Soomaalida yeelan doonto isaga oo ku sifeeyay in ay tahay dowlad la doonayo in Shisheeyaha logu shaqeeyo taas oo uu tilmaamay in lagu fashilmi doono

Sheikh Xasan Daahir Aweys Wadaadka ka sii dhamaanaya Saaxada Siyaasada Soomaaliya xiligana xubin ka ah Horjoogayaasha kooxda Al Shabaab ayaa sheegay in ay Carqalad kala hor imaan doonaan Dowlad kasta oo Soomaaliya loo sameeyo.

Qofkii aan ku aragno wax yar oo Wadaninimo ah talabo ayaan ka qaadi doonaa ayuu yir Xasan Daahir wuxuuna ugu baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay garab ku siiyaan dagaalka ay ku doonayaan in ay ku dumiyaan dowlad walba oo dalka loo dhiso'

Kooxda Alshabaab oo xili ka talin jirtay inta badan Gobalada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya balse awoodooda lagu wiiqay ka dib dagaalo lagaga soo qaaday Jihooyin badan

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)