|
Ciidamada Kenya iyo Kooxda Alshabaab oo logu baaqay inay yareeyaan Khasaaraha Shicibka
Mogadishu Khamiis 23 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Kenya iyo Kooxda Alshabaab oo logu baaqay inay yareeyaan Khasaaraha Shicibka ka soo gaaraya dagaalada u dhaxeeya.
Hay'ada u dooda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch ayaa digniin adag u jeedisay Dhinacyada ku dagaalamayaa Qeybo ka mid ah Gobalada Jubooyinka sida Ciidamada Kenya iyo Kuwa Kooxda Al Shabaab.
Warbixinta oo Hay'ada Soo saartay Maanta oo Khamiis ah ayaa ugu baaqday Dowlada Dalka Kenya in ay baaritaan ku sameeyaan Khasaaraha dadka shicibka ka soo gaaray duqey mahii ugu dambeeyay ee Maraakiibteeda ka geysteen Magaalada Xeebta ee Kismaayo
Ciidamada Kenya iyo kooxaha ku lugta leh dagaalada ka holcaya Koonfurta Soomaaliya ayeey Hay'adu ka dalbatay in ay ugu yaraan yareeyaan qasaaraha rayidka gaaraya.
Hay'ada oo la hadashay dad ku Sugan Magaalada Kismaayo ayaa tilmaamtay in ay u sheegeen Haweney Uur leh ay ku dhimatay Madaafiic lala dhacay gurigeeda sidoo kalana laba wiil oo walaalo ah ay ku dhinteen duqeyn loo adeegsaday Gantaal Markab laga soo ganay.
Madaxda Hay,ada ee Qaarada Africa ayaa warbixinta ku yir waa in dhamaan dhinacyada ku lugta leh Colaalada Somaalaya ay xushmeeyaan Shirciyada dagaalka iyo xuquuqda dadka aan hubeysneen
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|