Somali News
    Hees  

Diyaarado dagaal oo Maanta Duqeyn ka geystay Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo

Mogadishu Khamiis 23 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Diyaarado dagaal oo Maanta Duqeyn ka geystay Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo
 
Sida ay sheegaan wararka laga helaayo Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo ilaa Laba ruux oo caruur ah ayaa ku dhaawacmay duqeymo ay gallinkii dambe ee maanta diyaarado dagaal u geysteen halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

Dad Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaaraduhu ay tan iyo xalay dul meereysanayeen  degmada, balse ay mar qura maanta 2:30 gantaallo ku garaaceen gudaha iyo duleedka degmada Baardheere.

"Diyaarado dagaal ayaa gantaal ku dhuftay gudaha degmada waxayna dhaawacyo kasoo gaareen laba cunug, sidoo kale, diyaaraduhu waxay duqeeyeen meel dibada degmada ku taalla, mana garanayno khasaaraha ka dhashay," 


Horjoogayaasha Kooxda Al-shabaab ee degmada Baardheere ayaa ku eedeeyay duqeynta  inay ka dambeyso dowladda Kenya, inkastoo aysan weli Kenya sheegin inay mas'uul ka tahay duqeytaas iyo in kale.

"Xaaladda Baardheere ayaa ilaa caawa fiidkii aheed mid aad u kacsan  dadkii degmada ayaa intooda badan waxaa ay naf ka jariyeen dhulka howdka si ay uga baxsadaan wax yeelo ka soo gaarta duqeynta hadii ay sii socoto 
 
Inta badan degaanada ay maamusho Xarkada bilahii ugu dambeyay waxaa ay bartilmaameed u noqdeen duqeymo uga yimaada dhinacyada bada iyo cirka

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)