Somali News
    Hees  

Turkiga oo siyaasiyiinta Soomaalida ka codsaday dar dar gelinta howlaha harsan

Mogadishu Khamiis 23 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Turkiga oo siyaasiyiinta Soomaalida ka codsaday dar dar gelinta howlaha harsan.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda dowladda turkiga ayaa lagu sheegay in dowladda turkiga ay aad u soodhaweeneyso horumarka laga sameeyay siyaasadda somalia oo haatan u muuqata mid xaalad cusub oo aan KMGaheyn galeysa.

Waxana War saxaafadeedka lagu tibaaxay in shacabka iyo dowladda turkiga ay farxad u tahay in Soomaaliya ay ka baxdo marxaladda KMG-nimada ah una gudubto marxalad cusub oo uu dalku ku yeelanayo dowlad cusub.

“Xaqiiqdii waa arin lagu farxo in hadda uu dhameystiran yahay barlamaanka somalia “ ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda dalka turkiga , waxana intaa la sii raacsiiyay “Dowladda turkiga waxa ay siyaasiyiinta soomaaliyeed ay ka dalbaneysaa dar dar gelinta howlaha harsan oo ay kamid tahay doorashada guddoomiyaha barlamaanka iyo madaxweynaha , sida ugu dhaqsiyaha badan loogu dhaqaaqo fulinta howlahaasi”.

Wasaaradda arimaha dibadda dalka turkiga warka ay soo saartay waxa kale oo ay ku sheegtay in mar waliba turkiga uu garabtaaganyahay shacabka soomaaliyeed oo ay siinayaan gaalmo waliba oo ay u baahan yihiin.

Dalka turkiga ayaa abaartii somalia kadib waxa uu noqday dal si aad ah ugu dhuun duleela arimaha somalia oo kaalmo dhinac waliba ah siiyay shacabka soomaaliyeed.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)