Somali News
    Hees  

Gudiga Farsamada oo ogolaaday Xildhibaanadii lagu murusanaa qaar ka mid ah.

Mogadishu Khamiis 23 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Gudiga Farsamada oo ogolaaday Xildhibaanadii lagu murusanaa qaar ka mid ah.

La gudoomiyaha gudiga Farsamada ee ku howlan qabashada Xildhibaannada cusub ee Soomaaliya Prof. C/laahi Xiireey ayaa sheegay inay ku howlan yihiin qabashada Xildhibaannada cusub.

Prof. C/laahi Xiireey oo la hadlaayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in gudigu ay ogolaadeen qaar ka mid ah Xildhibaannadii lagu muransanaa, islamarkaana la hadal hayey in gudigu horey u celiyeen.

Gudiga Farsamada ayaa sheegay inay ogolaadeen in ka badan 20 Xildhibaan kuwaasi oo iyagu soo buuxiyey sharuudihii looga baahnaa, islamarkaana lagu sameeyey baaritaanno, iyadoo haatan tirada Xildhibaannada la hayo ay tahay 239 Xildhibaan inta ay hada ogolaadeenna la dhaarin doono.

Prof C/laahi Xiireey ayaa sheegay iney xildhibaanadan yihiin kuwo ay horay gudigu u celiyeen , wuxuuna sheegay inaysan diidi Karin xildhibaanno ay odayaal dhaqameedyada beelahooda soo gudbiyeen, wuxuuna sheegay in xildhibanadaasi soo buuxi waayeen shuruudihii looga baahnaa.

Prof C/laahi Xiireey waxa uu rajo ka muujiyey in dhowaan ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystirmaan tirada ka dhiman Mudanayaasha Baarlamaanka oo ah 36 Xildhibaan si ay uga qeybgalaan kulamada Baarlamaanka oo ay doorashooyinka soo socda ugu horeeyaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)