|
Gudoomiyaha Degmada Kaaraan oo ka warbixiyay xaaladda nabadgelyo ee Degmadaasi
Mogadishu Khamiis 23 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Gudoomiyaha Degmada Kaaraan oo ka warbixiyay xaaladda nabadgelyo ee Degmadaasi.
Cali Calasow Xasan oo ah Gudoomiyaha Degmada Karaan ee Dowlada soomaaliya ayaa maanta Kormeer uu ku tagey Xaafadaha kala duwan ee Degmadaasi oo ay ka socdaan Howlo Nadaafadeed waxa uu shegey in Degmada Karaan dhamaanba ay ka qadeen Isbaarooyinki sida sharcidarida ah u yiiley.
“Howlagal Ciidamada Degmada Kaaraan ay xalay sameeyeen ayay ku soo qabteen laba ruux oo dhalinyaro ah, waxayna ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab” ayuu yri Cali Calasow Xasan oo sheegay inaan loo dulqaadan doonin in nabadgelyada degmadaasi wax loo dhimo.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay inay dhawaan gacanta ku soo dhigayaan ragga sida sharcidarada ah wax ugu dhaca Demadaasi, lana horkeeni doono sharciga sida uu sheegay, isagoo in ammaanka degamada inuu yahay mid soo hagaagaya, islamarkaana la isku halayn karo.
Dhinaca kale Gudoomiyuhu in Degmada Kaaraan ayaa 7-aad ka hor waxa loo Magacaabey Gudoomiyaha Degmadaasi kadib markii xilka laga qaaday gudoomiyihii hore ee Degmadaasi.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|