Somali News
    Hees  

Soomaalida K/Africa oo Soo dhaweysay Baarlamaanka Cusub

Khamiis 23 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Soomaalida K/Africa oo Soo dhaweysay Baarlamaanka Cusub.

Ka dib markii la doortay xildhibanada Soomaaliya iyo gudoomiye KMG ayaa waxaa isa soo tarayay soo dhaweyn balaaran ay soo jeedinayeen bulshada qeybaheeda kala duwan

Haddaba Soomaalida K/Africa aya iyadane codkooda ku biirayey iyadoo Islaam Cabdulle Sheekh Cali Bare oo ah isamada Majeerteen ee Beesha Nuux Maxamuud oo la hadlayey Saxaafada ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo is badalada hadda Socda isla markaana loo baahan yahay ayuu yiri in laga baxo Dowlad KMG ah.

Sidoo kale wuxuu hambalyo iyo taageero usoo jeediyey sida wanaagsan ay uga hanweyn yihiin in ay uga bixi lahayeen kala guurka wuxuuna ku amaanayey madaxweynaha, Ra’isal wasaaraha iyo golaha wasiirada iyo ciidamada qalabka sida oo shacabkooda kaashanaya sida ay u xoreeyeen caasimadda Soomaaliya iyo gobolada ku dhaw dhaw.

Islaam Cabdulle Sheekh Cali Bare ayaa sheegay in hadda Soomaaliya ay usoo ifeyso nabad iyo kala danbeyn isagoo shacabka Soomaaliyeed meel kastoo oo ay joogaan ugu baaqay in aysan lumin fursadani qaaliga ah wuxuna warka intaasi ku daray in dalka uu soo maray marxalado kala duwan oo saameyn weyn ku yeeshay mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed ee soo koraya.

Sidoo kale wuxu ku taliyey islmaan Cabdulle Sheekh Cali in baarlamaanka ay doortaan ninkii badbaadin lahaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed kuna soo xulaan karti iyo aqoon aysana ka tagin wadaniyadnimada qofka u taagan baarlamaanka.

Hadda soo dhaweynta isinka ayaa waxay kusoo aadaysaa xilli uu dhawaan dalka ka baxay KMG isla markana uu yeeshay dalka Baarlamaan aqoon iyo tayo lagu soo xulay ayaa waxaa la filayaa maal maha soo socda in uu dalka yeesho hogaan cusub oo karti buuxa leh.

Islaam Cabdulle Sheekh Cali Bare xafiiska islaanka NO...0027720437065

By C/risaaq Indha Jaceyl
Cape Town, South Africa

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)