|
Bernard Luyiga : "Ma jiraan dhaqaalo fiican oo Askarteena ay ku heystaan dalka Soomaaliya , waa kuwo mar..."
Mogadishu Jimco 24 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Bernard Luyiga : "Ma jiraan dhaqaalo fiican oo Askarteena ay ku heystaan dalka Soomaaliya , waa kuwo mar waliba qoysaskooda u sheegay in xaalado xun ay ku sugan yihiin.."
Shacabka ku nool dalka Uganda ayaa waxa ay ku hanjabeen inay dhigayaan dibad baxyo ka dhan ah dowladda uu madaxda ka yahay Yuweiri musafani haddii dowladda uganda aysan qaadanin go’aan ay ku soo saareyso ciidamada uganda ee qeybta ah kuwa AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya.
Kooxo dhaqdhaqaaqayaal ah ayaa warbaahinta dalka uganda u sheegay inay abaabulayaan banaanbaxyo xoogan , waayo waxa ay sheegeen inay jiraan dhibaatooyin fara badan oo ay la kulmaan ciidamada uganda ee ka qeybqaadanaya howlgalka AMISOM ee somalia ka socda.
Bernard Luyiga oo madax ka ah guddi rayid ah oo il gaar ah ku haya Askarta dowladda uganda kaga sugan dalka somalia ayaa sheegay inay jiraan cabasho xoogan oo ka soo yeereysa ciidamada uganda ee ka howlgala dalka somalia balse dowladda ugandaay ku guul dareysatay wax ka qabashada cabashadaasi.
"Ma jiraan dhaqaalo fiican oo askarteena ay ku heystaan dalka somalia , waa kuwo mar waliba qoysaskooda u sheegay in xaalado xun ayku sugan yihiin" ayuu yiri Bernard Luyiga oo madax ka ah guddi rayid ah oo qaabilsan ciidamada Uganda ee Somalia.
Afayeenka ciidamada militriga dowladda uganda Col. Felix Kulayigye ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqayaashan ku hanjabay inay abaabulayaan dibad baxyo dibad baxyo ka dhan dowladda uganda aysan ka turjumin shacabka uganda oo dhan islamarkaan aysan laheyn awood ay ku dhigaan dibadbaxyo.
Afayeenka ciidamada militriga dowladda uganda Col. Felix Kulayigye ayaa sidoo kale sheegay in dowladda uganda ay kaqeybqaadaneyso xasilid ku soo dabaalidda dalka somalia
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|